“Haddii Aynaan Samayn Qorshihii Dhaamka Looga Faa’iidaysanaayay, Carruurta Ayuun Baa Inagaga Dhiman Doonta” Faysal Cali Waraabe

0
416

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaah xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa soo jeediyay in la sameeyo qorshe lagaga faaiidaysto biyo xidheen xumbo-weyne.

Waxa uu arrimahan ka sheegay Faysal Cali Waraabe xafladii furitaanka dhaamkaas "Biyihii waa la qabtay, laakiin ilaa hadda biyahan waxii lagu isticmaalayay garan maayo, Hargeysa lagama waraabin karo oo meeshan beero lagama samayan karo oo waxa la yidhi marka 500 M la socdo ayaa dhul balaadhan loo tagayaa, shantaas boqol ee mitir waxay u baahanayaan in la bamgareeyo oo haamo waaweyn oo kuwaas ka sii qaada la sameeyo, hadii aynaan samayn sidii looga faa'idaysanaayay caruurta ayuun baa inagaga dhiman doonta, carruurta halaga ilaaliyo yaanay moodin barkad  oo aanay ku dabaalane, waxay ila tahay arintani waa wajigii koowaad  oo biyahii waa la qabtay ee hadana sidii looga faa'idaysan lahaa waa in la galaa, haddii kale halkan ayay ku caaridi doonaan, waxaanu jecelnahay in aanay biyaheenu halkanba soo gaadhin, waa in aynu ku qabnaa kaynta ay ku soo bilaabmeen, ceelasheenu waa ay dhaadheeryihiin marka aad hawdkaas eegto markaas dhulkeenu waxa uu u baahan yahay in biyaha loo qabto oo biyo yar ay halkan soo gaadhaan, waxa hada dunida ka socda in dhibicda biyaha ah halkeeda lagu qabto, waan soo dhawaynaynaa, imaaraadkana waan u mahadnaqaynaa."