“Haddii Ay Dib U Dhacdo Doorashada Wakiiladu Madaxweynaha Ayaa Ka Masuul Ah”Xildhibaan Cabdiraxmaan-xooog

0
475

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), ayaa sheegay in Madaxweynuhu masuuliyadii uu lahaa ee dhinaca Saami qaybsiga uu gabay kana seexday sidaas darteedna uu Xisbiyada ku soo riixayo, waxa uu tilmaamay inuu Daahir Rayaale wakhtigii uu ahaa Madaxweynaha uu go'aan ka gaadhay una badheedhay balse Madaxweyne Siillaanyo uu ka baqayo inuu go'aan uu ka soo saaro.

1

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya  "Madaxweynaha ayaa leh masuuliyadda saami qaybsiga, markaas Madaxweynuhu masuuliyadiisi ayuu ku soo riixaya saddexda Xisbi Qaran, Madaxweynuhu waajibaadkiisi ayuu iska soo riixaya, waxa la isku haystaa waa saami qaybsiga, isaga ayaana wax ka qaban kara oo talo qaran iskugu yeedhi kara, Madaxweynuhu isaga ayaa madaxii u sareeyey ee qaranka ah isaga ayaa dadka iskugu yeedhi kara, waxaanu ka gaadhi karaa go'aanka uu doono oo Rayaale oo la mid ahaaba go'aan buu ka gaadhay waanu u badheedhay, marka Madaxweynaha ayey hor taala ee maaha inuu iska indho tiro waajibaadkaasi qaran, maxa yeelay isaga ayaa ah madaxii u sareeyey qaranka ee waa inuu ku dhac yeesha".

Labada Doorasho ee Wakiilada iyo Madaxtooyada in la wada qabto iyo in la kala qaado taladda qaran ayey ka soo baxaysaa, sababtoo ah imika la iskuma haysto Doorashada Madaxweynaha oo xeerkii Madaxtooyada lagu dooranaayey uu dhan yahay, mar horena laba sanno ayaa loo kordhiyey, ee waxa la isku haystaa Doorashada Barlamaanka, marka hore waa laba doorasho oo kala gaar ah, marka saami qaybsigu talo qaran ayey u baahan tahay ee Madaxweynuhu ha ka hadlo, haddii ay dib u dhacdo Doorashada Barlamaanku Madaxweynaha ayaa ka masuul ah maxaa yeelay shan sanno ayuu dhamaystay, laba sanno oo lagu darayna wuu dhamaysanaya, oo wax yar ayaa u hadhay, mudadaas inuu wax ka qabto ayey ahayd, may ahayn inuu intaas oo dhan sugo, gobol waliba wax uu leeyahay anaga u badan, oo haddana dulmana, markaas muranka soo jiidamaya inuu ilaa hadda la sugo may ahayn, laakiin waxa dhaba inuu Madaxweynuhu waajibaadkiisi ka seexday".