“Haddii Ay Ciddi Saamiqaybsiga Kuraasta Wakiilada Ku Dulmantahay, Caasimada Hargeysa Ayaa Ku Dulman”

0
956

Siyaasi Cabdillaahi-Jawaan

Hargeysa (Geeska)-Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar  (Cabdilaahi Jawaan), ayaa ka hadlay casuumada uu Madaxweynuhu iskugu yeedhay Barlamaanka, khilaafka Xisbiyada ee waan-waanta laga dhex wado, dib u dhaca Doorashada, saami qaybsiga iyo kootada Haweenka.

Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishankii ugu horeeyey ee Somaliland Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar  (Cabdilaahi Jawaan), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Madaxweynuhu Barlamaanka waxaa uu kala hadli doonaa wax badan oo dalka khuseeya, waxayna ila tahay inuu Madaxweynuhu doonayo inay isku aragti ka noqdaan Barlamaanka wax badan oo dalka ka socda, iyo inay is xog wareystaan, taasna xaq buu u leeyahay, fikiro khaldan bay dadka qaar hore u qabeen, laakiin anigu hore waxaan Madaxweynaha u soo jeediyey talo ah inuu safar ku tago Gobolada dalka, waxaana ku idhi Shacabkaagu aad bay ku soo dhaweyn doonaan, Madaxweynuhu waa kii baxay ee safarka ku tagay Gobolada dalka qaarkood, waxaana been noqday fikiradaas khaldan, halka taladda aan soo jeediyey dhab noqotay, taas oo Madaweynaha si fiican loogu qaabilay meel kasta oo uu tagay”.

Mar uu ka hadlaayey saami qaybsiga iyo kootada ayaa yidhi “Wax badan baa isku dhex jira oo dhinaca Doorashada ah, dad leh saami qaybsi ha la sameeyo, baa jira, dad leh kooto haween ha la sameeyo ayaa jira, saami qaybsigan la sheegayo uma arkayo in dad badani ka wada raali noqon doonaan, laguna heshiin karo,  waxaa ugu dhawday tii aanu Burco ku goynay markii Somaliland la soo celiyey, ee ahaa in loo kala qaato sidii loo kala lahaa 33 kursi, Degmada Hargeysa todobada ayey lahayd, Degmada Burco lix bay lahayd, afarta Degmo ee kala ah Boorama, Laascanood, Berbera iyo Ceerigaabana mid shan bay lahaayeen, taas baa lagu saleeyey, Cali Khaliif baa rayiga soo jeediyey, Cali Gargaar ALLE ha u naraxariiste oo reer Dhahareed ahaana  isna wuu ku raacay,   go’aankaas baana ka dib la qaatay, waana go’aanka uu hadda ku fadhiyo Barlamaanka oo 2.5 lagu dhuftay, markaas anigu waxaan u arkaa inta tirikoob sax ah la sameeynayo, oo ay inoo dhacdo Doorasho lagu wada qanacsan yahay oo cid waliba ku wada qanacsan tahay in Doorasho ku meel gaadh ahaana la qabto, oo sidaas hore lagu galo, taas baana xalka ugu dhawi yahay, waxa had iyo goor la eedeeyaa Beesha Dhexe, laakiin halka dulmiga ugu weyni ka jiro waa Caasimadda Hargeysa, maxa yeelay lix kun oo cod musharax  ay wax yari uga dhinayeen ayaa dhacay, halka Gobolada kale kun iyo wax yar ay ku soo baxayeen, markaas meeshii lixda kun ku dhacday, oo aamusan maaha in meelo kale durbaan tuntaan, oo ay qayliyaan, wixii Dastuuriyana oo Shari u baahana Maxkamadda ha laga dhammeeyo, sidaasna Doorashada in lagu galo ayaan anigu ku talin lahaa, Doorashooyinka dambena tirikoob sax ah la sameeyo.

Ta kale waxa jira durbaan kale oo la tumayo oo la leeyahay haweenka Somaliland, wey dulman yihiin, cid dulmani ma jirto, nin waliba wuxuu doonaya inay hooyadii, walaashii iyo xaaskiisuba inay nolosha ugu wanaagsan ku nooladan, dad islaam ah ayeynu nahay,diinteenuna xuquuqda ugu fiican bay siisay Haweenka, Dastuurkuna ma dhigayo Haween iyo cid kaleba ha loo xidho kooto, balse waxay Haweenku xaq u leeyihiin inay isku soo sharaxaan Doorashooyinka, oo ay Xisbiyada iska soo sharaxaan, laakiin in Dastuurka iyo sharciyada dalka in laga talaabsado oo cid gaar ah loo jabiyo maaha, ee waa inay Xisbiyadu musharixiintooda ku darsadaan Haween, maxaa yeelay Haweenku xaq bay u leeyihiin inay isa soo sharaxaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here