“Haddii Aanu Xukunka Dalka Ku Guulaysano,Waxaanu Muhiimada Siin Doonaa Sinaanta Iyo Cadaalada”

0
968

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe,isla markaana ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigan Doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa,ayaa ka hadlay qorshaha Xisbigiisa haddii uu taladda dalka ku guulaysto,waxaanu tilmaamay in haddii xukunka dalka ku guulaystana in sinaanta,cadaalada iyo daryeelka bulshada muhiimada siin doonaan,Siyaasada Arrimaha dibadda iyo Siyaasada arrimaha guddahana horumar gaadhsiin doonaan.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Call Waraabe,oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika,ayaa sidoo kale ka hadlay ololaha Xisbiyada,waxaanu ugu horeyn yidhi “Xisbiga cadaalada iyo daryeelka Somaliland ee UCID waa Xisbi Qaran oo hadafkiisi yahay wanaaga, horumarka, cadaalada iyo daryeelka guud ahaan umadda reer Somaliland, Xisbiga UCID waa  Xisbi mar walba taageerayaashiisa ku dhiirigelinaya inay ololaha kaga qayb qaatan  akhlaaq wanaag, dhaqan wanaag, anshax wanaag, iyo asluub wanaag waana laga arkay Xisbiga arimahaas,waanay naga go’aan tahay in aanu dadkayga daryeelno,oo aanu wax tarno, oo xaaladooda la socono,mar walbana ka war hayno,in aanu ololaha dadkayga wax ku caawino waa qorshaha Xisbiga”.

Eng: Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey qorshaha Xisbiga UCID, haddii uu taladda dalka ku guulaysto ayaa yidhi “Haddii aanu xukunka dalka ku guulaysano,waxaanu muhiimada siin doonaa sinaanta iyo cadaalada qorshayaall shaqo abuur ayaanu sameeyn doonaa,baahiyaha aasaasiga ee bulshada ayaanu sare u soo qaadi  doonaa,,Siyaasadeena arrimaha dibadda ayaanu sare u qaadi doonaa,oo Ictiraafka aynu u ooman nahay ayaanu sida ugu dhakhsaha badan u keeni doonaa,madaama saaxibo badan ku leenahay Caalamka,markaad bulshada reer Somaliland waxaan leeyahay  codkiina na siiya si aanu dalka horumar u gaadhsiino”