Haddii Aad Tahay Dadka Aan Hore U Gam’in, Baro Hurdada Askarta Oo Kuu Suurtagelinaysa In Aad 2 Daqiiqo Ku Seexato

46
4344

Washngton (Geeska) – In qofka bani’aadamka ahi waqti hurdo ah helo waxaa ku xidhan caafimaadkiisa jidheed iyo maskaxeed, waxa aanay muhiim u tahay tamarta uu u baahan yahay si uu u qabsado hawl maalmeedkiisa. In kasta oo ay jiraan dad badan oo habeenkii in ay gam’ana ay ka xigto oo keliya in ay dhinaca dhulka dhigaan, waxaa jira kuwo kale oo duruufo nololeed, caafimaad ama xaalado kale oo ku xeerani u diideen in ay hurdo ku fikiraan, iyo kuwo badadn oo hurdo iyagu raadinayaba laakiin habeen oo dhan furaashka hadba dhan isu rogaya iyaga oo ku ducaysanaya in mar uun labada baad isku daboolmaan.

Haddii aad ka mid tahay dadka habeenkii hurdo la’aantu hesho, maskaxdaaduna khaati ka taagan tahay fikirka iyo shaqada xawliga ku socota ee ay isku aragto marka ay hurdo weydo, haddii aad tahay dadka raadinaya hibada quruxda badan ee ay naftu ka maarmi weyday, akhri qormadan aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Aljazeera.

Waxaa jirta hab hurdo oo ciidamada si gaar ah loogu tababaro, marar badanna sir u ah oo lagu heli karo hurdo dhaqso ah, oo uu laba daqiiqadood gudahood ku gam’i karo qofku. Waa xeelad dhowaan uun la ogaaday oo sir u ahayd ciidamada Maraykanka. Waxaa loogu talagay in ciidamada jooga goobaha ammaankoodu yar yahay iyo furimaha dagaalku ay dhaqso hurdo u heli karaan, si inta ay seexdaan ay hurdada uga bogtaan saacadaha kooban ee la rabo in uu askari seexdo, kaddibna saaxiibkiisa intaas soo jeedka ku jira uu weydaarto si isna markiisa uu u seexdo.

Waa hab hurdo oo ay xeeldheereyaasha cilmiga ee ciidanka Marrayku curiyeen, si ciidanka xaaladaha adag ee hurdo la’aanta sababa ku jira, looga caawiyo in ay seexdaan. Loogana badbaado cabsida ah in askartu marka ay aad u qaadirooto ay galaan qaladaad sababtoodu tahay hurdo la’aanta iyo daalka.

Raac talooyinkan hoos ku qoran si aad uga faa’iidaysato habkan kaa caawinaya in aad hurdo dhaqso ah hesho:

  1. Dabci muruqyada wejigaaga, oo ay ku jiraan muruqyada carrabka, labada daan iyo muruqyada isha ku xeeran.
  2. Aad hoos ugu sii daa labadaada garab, adiga oo raacinaya gacanta dhammaanteed, qaybta sare ee cududda iyo qaybta suxulka ka hoosaysa ee dhudhunka. Adiga oo labada gacmoodba jiho keliya isu marinaya.
  3. Neefta xoog iskaga soo gur, neef inta caadiga ah ka baxan gudaha ka soo celi, iyada oo ay laabtaaduna waxoogaa kor u taagan tahay, labadaada lugood oo bawdyaha ka bilaabanayaana ay jidhka intiisa kale ka hooseeyaan.
  4. Intaas kaddib, 10 ilbidhiqsi waxa aad ku qaadataa in aad isku daydo in maskaxdaada aad ka faaruqiso fikirka iyo xusuusaha, adiga oo maskaxda gelinaya saddex sawir midkood uun:
  5. B) Sawiro adiga oo koraya laash dheer, oo khafiif ah oo ku jira biyo xidheen ama bad aad u deggen, waxa keliya ee aad arkaysaana uu yahay samada buluugga ah ee dushaada oo saafi ah.
  6. T) Niyadda ka sawiro adiga oo laaxo saro qol gudcur ahna ku jira.
  7. J) Adiga oo naftaada la hadlaya waxa aad muddo 10 ilbidhiqsi ah ku celcelisaa ‘Ha fikirin, Ha fikirn, Ha fikirin’.

Waxa ay khubarada cilmigu sheegeen in habkani uu yahay hab la hubiyey waxtarkiisa oo boqolkiiba 96 ay tahay rajada laga qabo in qofka sameeyaa uu ku helo hurdo fiican, gaar ahaan marka uu habkan ku celceliyo muddo 6 toddobaad ah ee uu la barto.

Haddii se ay dhacdo in habkani uu shaqayn waayo, waxa aad ogaataa in ay jirto sabab awood badan oo kaa hortaagan hurdada, taas in aad raadiso si aad dawo ugu hesho ayaana muhiim ah. Saynisyahanka ku xeeldheer caafimaadka iyo hurdada Dr. Neil Stanley oo u dhashay dalka Ingiriisku waxa uu sheegay in sababta ugu muhiimsan ee qofka hurdada u diidi kartaa ay tahay ‘xasilooni la’aan maskaxeed oo qofkan haysata’.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here