Haddii Aad Doonayso In Xogtaada Gaarka Ah Aan Laga Helin Facebook, Si Degdeg Ah U Masax Macluumaadkan

0
665

dddWashington (Geeska)- Facebook waxaa lagu tiriyaa in uu yahay masraxa bulsho ee ugu weyn ee ay ku xidhiidhaan kuna kulmaan dadka ugu badani. Sida aynu in badan aragnayna marka Koonto gaar ah laga samaysanayo waxa uu qof kasta weydiiyaa macluumaad iyo xog shakhsi ah, oo in uu ka jawaabaa aanay lagama maarmaan u ahayn samaysashada xisaabtiiga/Koontadiisa gaarka ah, laakiin haddana dadka isticmaalaa waa ay ka jawaabaan su’aalahan iyaga oo qaarkood u arka in ay lagama maarmaan u yihiin dhammaystirka ama ugu yaraan qurxinta Koontadiisa.

Haddaba warbixin uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay oo arrintan uu ka qoray wargeyska The Independent ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa lagu sheegay in xogtan shakhsiga ah ee qofku uu kaga jawaabayo su’aalaha facebook in ay ku noqon karaan khatar ama fure u noqon karaan in cid dano gaar ah ka lihi ay dhex gasho koontadiisa si ay ula baxdo arrimihiisa shakhsiga (Khusuusiga) ah. Warbixintan waxaa lagu sheegay macluumaad ay muhiim tahay in aanu facebook gelin ama haddii uu geliyey uu ka tirtiro qof kasta oo jecel in xogtiisa shakhsiga ahi aana ygacanta u gelin gacan saddexaad oo noqon karta cid halis ku ah amnigiisa, waxa aanu Geeska Afrika akhristayaashiisa u soo gudbinayaa kuwa ugu muhiimsan xogahaas ay tahay in aan lagu faafin facebook.

Waxa aad xiisayso: Waxa ay khaanaddani shirkadda Facebook ka caawisaa keliya in ay ogaato waxa ugu badan ee ay macaamiisheedu aadka u jecel yihiin si ay ugu saleeyaan noocyada xayeysiis ee ay dadka qaar iyo macaamiisha oo dhanba u soo bandhigayaan, sidoo kale waxa ay ka faa’iddaa in ay qof kasta ku soo xidho bogagga uu xiiseeyo si ay isticmaal badan u helaan.

Taariikhda dhalashadaada: In taariikhda dhalashada ee qofka la helo waxaa si aad ah uga faa’idaysta budhcadda jabsata akoonnada qofku ku leeyahay bangiyada, gaar ahaan bangiyada internet ka (Online) laga isticmaalo, iyo sidoo kale xisaabaha shakhsiga ah ee qofka, waxaa sidoo kale waxaa looga faa’idaysan karaa in lagu raadiyo furayaasha (Password) gaarka ah ee qofka.

Cinwaannada guriga: Inta badan dadku si gaar ah facebook uguma qoraan tilmaamta guryahooda, waxase si dadban looga ogaadaa marka ay isku furaan khariiradaha internet ka ku shaqeeya iyo waxa loo yaqaanno Check in.

In gurigaaga gaarka ah cinwaankiisa/tilmaamtiisa cid kastaa heli kartaana waxa ay ka mid tahay arrimaha aan amni ahaan fiicnayn.

Dugsigaagii iyo halka aad ka shaqayso: In facebook lagu qoro magacyada dugsiyada iyo jaamacadaha la soo dhigtay, ama goobta shaqo waxa ay ka mid tahay waxyaabaha dadku xiiseeyaan iyaga oo ka doonaya in ay saaxiibbadooda dugsiyadan iyo goobahan shaqo is helaan, ama faan iyo ismuujin ka doonaya, ama rajaynaya in shaqo heliddooda dambe ay ka caawiso, laakiin waxa ay warbixintu sheegaysaa in ay noqon karto hab qofka cid cadow ku ahi ku raadsan karto xogtiisa.