Haddii Aad Doonayso In Aad Hurdo Xasilloon Seexato Ka Fiirso Nooca Cuntada Aad Habeenkii Cunayso

0
1302

1Qaahira (Geeska)- Haddii aad habeenkii hurdo la’aan ama hurdo xumo ka cabanayso, waxaa laga yaabaain sababtu ay tahayba nooca cunto ee aad ku cashayso, waayo khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in cuntooyinka ay uu geed kulaylku ku badan yahay, sida xawaashyada iyo busbaaska, cuntooyinka uu Barootiinku ku badan yahay iyo cuntada maadadda Kaafiyeenta leh (Caffeine) ay dhammaantood sababaan in qofku habeenkii hore u seexan waayo ama hurdo xasiloon seexan waayo.

Cilmibaadhis tijaabadeeda lagu sameeyey 2 kun oo qof oo la eegay nidaamkooda cunto iyo nooca hurdo ee ay seexdaan, oo ay ogaadeen in xidhiidh adagi ka dhexeeyo, sidoo kale waxa ay xeeldheerayaashu daraasaddan ku ogaadeen in fikirka maskaxda mashquuliyaa uu kaalin weyn ku leeyahay hurdo xumada ama hurdo-waaga mararka qaarkood yimaadda. Sammy Margo oo ah oo ku xeeldheer culuunta hurdada, ahna qoraaga buugga ‘Tilmaahaha hurdada fiican’ oo afka Ingiriisiga ku qoran, ayaa seegay in cilmibaadhistani ay si cad u sheegtay in dadka badankoodu ay mo’ogan yihiin in cuntadu aycaawisoxoojinta hurdada iyo in ay noqoto hurdo raaxo leh.  Sammy waxa uu intaas ku sii daray, “In qofku uu jiifsado isaga oo markaas uun afka ka qaaday cunista cunto xawaashyaduku badan yihiin waxa ay ku keenaysaa calool olol, iyo hurdo aan xasiloonayn in uu seexdo. Sidoo kale cuntooyinka uu ku badan yahay dufanka Barootiintiisu ay sarrayso sida hilibka, ayaa keena  cillad ah in dheefshiidka shaqadiisu gaabis noqoto, waxa aanay khalkhal ku keentaa saacadda Bayoolojiga ah ee qofka maskaxdiisu ku nidaamsato hawlaha u yaalla qabashadooda.

Cunto iyo cabbitaan ay tahay in hurdada ka hor laga dheeraado

Daraasaddani waxa ay iftiimisay noocyo ka mid ah cuntooyinka iyo cabbitaannada, gaar ahaan marka la qaato hurdada ka hor, waxa aanay kala yihiin:

1. Cuntada geed-kulaylka leh, (Xawaashyada iyo busbaaska): Waxa ay xumaysaa shaqada dheefshiidka, halka busbaaskana ay ku jiraan maaddooyin heerkulka jidhka is-beddel ku keena, taas oo hurdada saamayn ku yeelata.

2.  Bunka: Bunka oo ah cabbitaan ay ku badan tahay maadadda Caffeine waxa uu jidhka ku keenaa firfircooni iyo baraarugsanaan illaa shan saac ah, halka dadka bun cabka ah boqolkiiba 25 ka mid ah uu jidhkooda raadka bunku ku sii jiro 10 saac oo dambe.

3. Cuntada dufanku ku badan yahay: Waxa ay kordhisaa xawaaraha shaqada dhaeefshiidka taas oo sababta in calooshu ay soo deyso asiidho badan, oo mararka qaarkood illaa dhuunka qofka soo gaadha. Calool ololku waxa uu ka mid yahay sababaha ugu badan ee hurdo la’aanta.

4. Cuntooyinka sonkortu ku badan tahay: Sonkorta badan ee habeenkii hurdada ka hor la qaataa, waxa ay sababtaa in macaanka dhiiggu uu kor u kaco. Waana mid ka mid ah sababaha ug waaweyn ee hurdo la’aanta habeenkii.

Cuntooyinka hurdada ka hor lagu talinayo

Digniintaas kadib waxa ay xeeldheerayaasha caafimaad ee daraasaddan sameeyey soo jeediyeen noocyo cuntada ka mid ah oo qofka hurdada ka hor cuna u keenta hurdo fiican, waxa aanay kala yihiin:

1. Muuska: Waa uu hodan ku yahay maadadda Magnesium oo dabciso muruqyada, sidoo kale waxa uu sababaa in jidhku uu soo daayo dheecaanno iyo hormoonno .

2. Lawska:  oo qani ku ah Magnesium iyo maaddada Terbotphone oo labaduba si dabiici ah u yareeya sakatiga iyo khalkhalka ku yimaadda muruqyada iyo neerfayaasha, sidoo kalana waxa uu caawiyaa in wadnaha garaaciisu xasilo.

3. Malabka: Malqacad yar oo malab ahi waxa ay maskaxda ka caawisaa xasilidda waxa aanay jidhka ka saartaa maaddooyinka kiimikaad ee sababi kara hurdo la’aanta.

4. Boorashka: Boorashku waxa uu jidhka ka caawiyaa in uu soo saaro maadadda muiimka ahee Isulin, taas oo caawisa in sonkorta jidhku si dabiici ah kor ugu kacdo. Sidoo kale boorashku waxa uu qani ku yahay hormoon jidhka ka cawiya nidaaminta hawlihiisa iyo in uu hawl kasta waqtigeeda u go’an dareen maskaxeed u yeesho.