Haddii Aad Doonayso Ilme Maskaxdiisu Dhisan Tahay Talooyinkan U Raac Korinta Ilmahaaga

0
790

Hargeysa (Geeska)- Xilliga ugu badan ee maskaxda ilmuhu kortaa waa Afarta sano ee ugu horreeya cimrigiisa. Marka la is barbar dhigo koritaanka maskaxda ee 4 sano ee u horreeya iyo inta ay maskaxdu korto inta hadhay ee nolosha qofka waxa ay khuabrada caafimaadku caddeeyeen in Afartaa sano ay korto boqolkiiba 50, boqolkiiba 50 ka hadhayna ay korto inta hadhay ee cimriga qofka.

Maadaama oo uu koritaanka maskaxda ilmuhu muhiim yahay afartaa sano ee hore waxa ay khubarada cilmigu soo jeediyeen arrimo si weyn uga qayb qaadan kara koritaankaas si uu u noqdo mid u dhaca sida ugu habboon ee ilmaha garaadkiisa iyo fariidnimadiisu ay kobocdo. Geeska Afrika oo Afsoomaali u rogay talooyinkaasi waxa uu waalidiinta sharafta mudan kula talinayaa in ay ilmahooda kula dadaalaan talooyinkan dhaqangelintooda.

1. Naasnuujinta: Caanaha naaska waxaa ku jira curiyeyaal iyo maaddooyin tiro badan oo lagama maarmaan u ah koritaanka maskaxda ilmaha. Waa faa’ido aanu ilmuhu ka heli karin cunto iyo caano kasta oo kale oo la siiyo. Sidaa awgeed waxaa fiican in hooyadu ay ilmaheeda naaska nuujiso waqti ku filan.

2. In ilmaha aan laga fogaan: Waa muhiim in hooyadu aanay ilmaheeda ka fogaan saddexda sano ee ugu horreeya cimrigiisa, si ay uga caawiso la qabsashada dunida uu ku cusub yahay iyo isbed-bedellada jidheed ee xawliga ku socda ee uu muddadaas maro.

Waxa ay khubarada caafimaadku aad uga digaan in da’daas lagaga tago dad qariib ku ah ilmaha, ama in loo dhiibo aaladaha lagu ciyaaro si loogu mashquuliyo hooyaduna waxyaabo kale ugu mashquulsanaato, arrimahaas oo haddii ay dhacaan ilmaha ku keena xaalado caafimaad darro oo nafsi ah iyo kuwo dhinaca dareen-wadayaasha ah.

3. Wax akhriska: Waxaa la qirsan yahay in wax akhrisku uu kordiyo maskaxda ilmaha, sidaa awgeed waxaa lagama maarmaan ah in qolka ilmaha la dhigo buugaag tiro badan oo carruureed, loona sameeyo waqti go’an oo uu wax akhriyo, inta aanu ilmuhu gaadhin da’da wax-akhriska waxaa fiican in waalidku habeen kasta ilmuhu marka uu sii seexanayo uu u akhriyo hal sheego carruureed. Taas oo hurdo deggen uu ka dheefayo, maskaxdiisana korinaysa, isla markaana ku abuuraysa dhaqanka akhris jacaylka.

4. Cunto caafimaad qabta: Waxaa muhiim ah in ilmaha la siiyo cuntooyin caafimaadkooda la hubo isla markaana da’diisu caafimaad ahaan qaadan karto ama ay ku jiraan maaddooyinka iyo nafaqooyinka uu da’daas carruurnimo ilmuhu u baahan yahay. Waxaa muhiim ah in waalidku uu barto xaaladda caafimaad ee ilmaha isla markaana uu dhakhtarka ka qaato talooyin fiican oo ka caawinaya cuntooyinka ay tahay in uu ilmaha da’daas ah siiyo.

5. Hawada furan: In ilmuhu uu guriga gudihiisa uun ku jiro oo aan hawada furan iyo qorraxda in ku filan ka helin ama ka bixin magaalooyinka iyo hawadooda wasakhdu ku badan tahay waxa ay khatar ku tahay caafimaadka nafsiga ah ee ilmaha iyo hab-dhiska dareen-wadayaasha ilmaha. Waa in ilmuhu inta uu yar yahay helo waqtiyo guriga laga saaro oo uu saacad ama laba ku soo qaato hawada furan, waa in uu helo waqti uu dad kala duwan iyo dhul kala duwan arko si aanu u noqon qof ku weynaada xidhxidhnaan.