Haddii Aad Arrimahan Isku Aragto Iskaga Tago Shaqada Aad Hayso, Si Aad Caafimaadka Maskaxdaada U Ilaaliso

0
769

Hargeysa (Geeska)- Si kasta oo uu qofku u dareemayo isku buuq, qulub iyo diiqad haddana waa ay ku adag tahay in uu si sahal ah u qaato go’aan uu shaqadiisa kaga tegayo, arrintaas oo ay khubarada caafimaadka nafsigu aaminsan yihiin in ay mustaqbalka fog raad taban ku yeelato xaaladda caafimaad ee nafsiga ah iyo maskaxdaba.

Daraasad natiijadeeda lagu baahiyey degelka internet ka ee wargeyska Daily Mail oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa ay cilmibaadhayaashu ku ogaadeen in ay jiraan tilmaamo ay tahay in qofku ku baraarugsanaado oo haddii uu arko ay tahay in uu dhaqso isaga casilo shaqadiisa, si uu u ilaaliyo bedqabka nafsaddiisa iyo caafimaadkiisa maskaxeed.

Sandy Mann oo hormuud u ah barayaasha cilminafsiga ee jaamacadda Central Lancashire ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay toddoba tilmaamood oo qofka isku arka ay ku habboon tahay in uu shaqada dhaqso uga tago. Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa qodobbadaas ay Sandy oo ku takhasustay cilminafsigu sheegtay:

1. Hurdo la’aan: Haddii hurdo xumo ku bariinsato, subaxdiina kallahaadda shaqada aad u kacdo, waa qasab in aad dib u eegto dhibta ay shaqadu kugu soo kordhinayso.

2. Haddii qaladaadkaaga shaqadu ay bataan: Haddii qaladaad aan garawshiyo yeelan karin ay ku bataan shaqada aad qabanayso, waxa aad ogaataa in daal badani kugu jiro, iyo in maskaxdaadu aanay awoodi karin u dulqaadashada xaddiga shaqadaada.

3. Haddii cadhadu kugu badato: Daalka iyo niyad xumadu waxa ay badisaa qulubka iyo isku-buuqa, taas oo yaraysa dulqaadka, qofkana ku badisa cadhada iyo jawaab-celinta taban.

4. Shucuurtaada oo ay xasaasiyaddu ku badato: Sakatiga iyo niyad jabku waxa ay qofka ka dhigaan mid shucuurtiisu daallan tahay oo si fudud dareenkiisa loo taaban karo, arrin aad u fududna aan dulqaad u lahayn. Marka uu xaalku halkaa marayo, ee xitaa shucuurtaada aad xakamayn kari weydo xalaaddaada nafsiga ahi ma fiicna ee shaqada jooji.

5. Furfurnaantii iyo firfircoonidii xidhiidhka bulshada oo qofka ku yaraada: Sakati, niyad-jab, iyo daalka nafsiga ah ee shaqada badan ka dhashaa waxa ay sababaan in qofka ay ku yaraadaan firfircoonida xidhiidhka bulshada iyo kaftanka, waxa aanu noqda qof aan marnaba xiise u qabin raaxada nolosha. Haddii qofku calaamadahaas isku arko waxa u fiican inta aanu xaalkiisu sii xumaan in uu shaqada ka tago.

6. Danaynta oo qofka ka lunta: Haddii aad is aragto in ay kaa tagtay danayntii iyo xiisihii aad u qabtay dhinacyada kala duwan ee bulshada. Tusaale ahaan aad is aragto adiga oo aan dan ka lahayn shaqaalaha hoose oon u naxariisanayn, ama dadka buka u calool dabcayn, waa calaamad muujinaysa in daal badan oo maskaxeed kugu dhacay oo ay tahay in dhaqso shaqada uga tagto.

7.  U kicidda shaqada oo kugu adkaata: Haddii aad aragto shaqadii oo aad dirqi ugu kacayso, ama naftu kicisteeda kallifaad u aragto iyo adiga oo ka sii warwaraya kallahaadda shaqo ee ku sugaysa, waxa aad garataa in shaqadii saamayn aan fiicnayn ay ku yeelatay caafimaadkaaga maskaxda, markaa ma jiro wax ka fiican in aad dhaqso uga tagto shaqadaas.