“Haddii Aaan Saami Qaybsiga Dib Loogu Noqon Oo Aan La Sixin Somaliland Qabyo Ayey Noqonaysaa”

46
2873

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kaan soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay in Dastuurka dib loo furo, saami qaybsi sax ahna la sameeyo, waxaanu tilmaamay in aanay Doorasho dambe oo bilaa saami qaybsiya aanay gali doonin.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka digay qabyaalada, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Haddii aan saami qaybsiga dib loogu noqon oo aan la sixin  Somaliland qabyo ayey noqonaysaa, sidaasna qaran ku noqon mayno, haddii Saami qaybsiga la sixi waayo, Doorasho dalka ka dhici mayso, mana yeelayno inay Doorasho dambe dalka ka dhacdo iyadoon saami qaybsi sax ah la helin, Madaxweynahana waxaan leeyahay waxaad tahay Madaxweyne aad u dhiiran, ee waa inaad ka badheedha saami qaybsiga, oo Madaxweynaha kamaanu rajo goin inuu wax badan hagaajin karo, go’aanana qaadan karo, waxaana la doonayaa inuu wax badan uu hagaajiyo”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tuklaale mar uu ka hadlaayey Xukuumadda ayaa yidhi “Siyaasada Dawladda waxaan leeyahay khaladaad waaweyn baa dhacay,ee Madaxweynuhu waa inuu nidaamkiisa siyaasadeed ee Dawladda hagaajiyaa, oo qodob aad u mushkilada ayey ahayd gargaarkii ay Somaliya u fidisay Somaliland, laakiin Guddi Madax banaan oo maamula loo saari lahaa, inay Dawladdu tidhaah anaga ayaa gacanta ku dhigayna may ahayn, qaabka loo maamulayo aafooyinka iyo masiibooyinka yimaada, ALLE inaguma keeno’e, inay Dawladdu isku qaawiso, oo ay tidhaahda anaga ayaa maamulaya wax walba maaha, waxaana haboon in marka ay dhibaatooyinkan oo kale yimaadan in Xukuumaddu Guddiyo u saarto”.

Mar uu ka hadlaayey qabyaalada ayaa yidhi “Axsaabta Siyaasada waxaynu u samaysanay inaynu Beelaha kaga gudubno, tan iyo markii uu Xisbiga Kulmiye qabsaday dalka, qabyaaladii baa dib loogu noqday,haba u sii darnaato wakhtigii Xukuumaddii Siillaanyo, markaas waxaan leeyahay yeynaan dib ugu noqonin waxaynu ka soo gudbunay iyo qabyaaladii ee aynu ka korno, Beel kastaaba xaq bay u leedahay inay danteeda iyo hawlaheeda ka shirto, laakiin muhiimadu waa in qaranimada la ilaaliya, Shirkii Garxajisna si fiican buu ku dhammaaday”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here