Hadday Dhimato Waan Cuni, Hadii Eebe Iska Daayana Waan Jiqi Doonaa

0
562

Picture1Dalkan ay ku Noolnahay ee Somliland waxa kali ah ee ay dheernahay wadamo badan oo africa ah iyo Somalia waa hanaanka dimuquraadiyada iyo doorashooyinka madaxa banaan, ee aynu hore usoo galnay habakala wanaagsanaadaane , Taasi waxay keentay in Dunidu inagu Ixtiraanto oo laynoogu habrado doodeena ah waanu isdooranaa iyo xisbiyo qaran ayaanu leenahay .

Hadaba dhawaantan , waxa inagu cusub dhaqan xun oo lagu majaro habaabinayo sumacadeenii dunidu inoo haysay , waxa soo badanaya dad xukumadani ka hadashiinayso oo ilaa golayaashii qaranku kamid yihiin oo lasoo taagan halookordhiyo madawaxweynaheena , anigu nin aan ahay waxaan qabaa in ay yihiin kuwo ina habaaraya oo leh waxa dhacaya Abaarro iyo Collaado  baahsan oo dalka oo dhan ka dhici doona .

Madaxweyne kuwan  Dabaasha kuugu Hambalyaynayaa kuuma kordhin karaan ee lakiin waxay samayn karaan in ay Colaado baahsan Abuuraan oo dadku isdilaan taas ayuun baa laguugu kordhin karaa, Taasna ilaahay ayaanu ka magan galnay oo dhicimayso anagoo intan ka liidana ayay dhici wayday, madaxweyne  xalku wuxu yaalaa in aad ku tidhaa waynagan waxaasoo waxa qabanay ee intaan socday oo dhan gobolkasta dhagaxa dhigay ee intaasoo mashruuc xadhiga ka jaray, ee magaalo,dagmo, tuulo iyo gobolkasta laygusoo dhawaynayee ee miyaan dadku dib ii dooran Karin, waa hadii ay dhabka tahay kuwa kula socda ee dadka ku leh haloo kordhiyo dhaha waxay taas ku qarinayaan waxay ogyihin in dadkii ay kaaga soo horjeesteen qabyaalada iyo musuqa ay wadaan intan kula socotaa oo ay ku qariyeen wixii aad qabatay qabyaalad iyo musuqmaasaq.

Odhan maayo madaxweynuhu wuu la’ogyahay haloo kordhiyada iyo in la abuuro xaalad layiigu kordhiyo, lakiin waxaanku leeyahay adaa u qoolan, haday dadka isku dhuftaan oo dagaalo ay abuuraan,Waad ogayd inaad aad iyo aad uga cadhoon jirtay kordhimihii hore, Kordhimahaasina ahaayeen Kuwii lagaagaga hiiliyay UDUB, Madaxweyne kuwan ku le haloo kordhiyo Abwaan Weedhsame ayaa hore u sheegay oo yidhi: waraabihii layidhi hoyaadaa way dhimanaysaa ee halkii wax kale laga filaayay yidhi haday dhimato waan cuni, hadii eebe iska daayana waan jiqi doonaa.

Diwaan galin la’aanta, Haday tahay Kordhintu waxaad ogayd in 42cisho lagu diwaan galiyay dalka oo dhan, wakhti inoogama baahna, Haday dhaqaale noqoto waxa looga saari karaa SOMALILAND DEVELOPMENT FUND (SDF) in ka yar $1million iyo inta miisaniyadii 2014 ugu jirtay iyo intii tii hore ee 2013 ugu jirtay, madaxweyne somaliadaa iyogoo hasha ilmuhu ka dhinto  khiyaamaynaya maqaar u sameeyee, hadii aynu nafteena iyo aduunkaba khiyaamayno waa arin adag, waxaan kaa codsan lahaa madaxweyne hala ii kordhiyo inaad noogu badasho dib ii doorta,  oo aad u sheegto kuwan dadka kugu diraya ee meel walba ka leh waa kaa  dabaashay ee haloo kordhiyo odayga.

 

Waxaan xasuustaa tixiihii hadaraawi ee maansadii DABAHUWAN

Si bay u dar-jiidhayaan

Dunuunuc bukay liqeen

Dalqay wax ku eegayaan

Dil bay u hamuumayaan

Dibnay la haliilayaan

Dedaal ma haleelayaan

Daryeel ma hanbaynayaan

Dardaaran ma dhuuxayaan

Digniin ma dhabaynayaan

Dharaar kama doodayaan

Halkay ku dambaynayaan

 

Faysal cumar madar

(qumuj81@hotmail.com)