“Haddaad Aragto Dhulbahante Iyo Habaryoonis Leh Waa Nala Haystaa, Inta U Saraysa Ayaa Cuqdada Qaaday, Waxaana Guul Darastay Siyaasiyiinta Oo Aan Anigu Ka Mid Ahay”

0
12638

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa digniin culus u diray dad uu sheegay inay isku dayayaan inay nabadgelyada iyo xasiloonida waxyeeleeyaan.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumad ahaan diyaar u yihiin in cid kasta oo wax tabanaysa ama cadaalad daro tiraysa inay diyaar u yihiin, xiili ay sameeysantay Jabhad ka dhan ah Somaliland oo uu hogaaminayo Caare, oo ka mid ahaa Ciidanka Qaranka Somaliland, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Tan iyo 1991, oo hadda laga joogo muddo 27 sanno ah, waxaynu soo marnay marxalado iyo duruufo kala kadisan, oo marxalad walba waayaheeda leh, muddadaas 27 sanno ah, taladda dalka waxa iskaga dambeeyey Shan Madaxweyne oo kala ah Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ah Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland ALLE ha u naxariisto, waxa ku xigay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, isagana ALLE ha u naxariisto, waxa ku xigay Daahir Rayaale Kaahin, waxa ku xigay Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxa ku xigay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo hadda taladda dalka haya, Doorashooyin kala duwan baa dalkeena soo maray, ha noqdaan Doorashooyin Madaxtooyo, Doorashooyin Barlamaan, iyo Doorashooyn  Deegaan, weynu ka soo gudubnay nidaamkii qabaliga, waxaynu u soo gudubnay nidaamka Dimuqraadiyada iyo Axsaabta badan, waxa mar walba loo inooga baahan yahay horu-socod, horumar ee la inoogama baahna inaynu dib ugu noqono halkii aynu ka soo gudubnay”.

Wasiirka Biyaha ayaa mar uu baaq u diraayey guud ahaan Shacabka reer Somaliland ayaa yidhi “Guud ahaan Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogan, iyo Gobol kasta oo ay ka soo jeedaan, ama Beesha dhexe ha ka soo jeedaan ama Beelaha darafyada, ee waxaan leeyahay ka taxadira oo ka digtoonada wax kasta oo waxyeelo iyo wiiqitaan ku ah qaranimadeena, waxaan leeyahay ka feejignaada cid kasta oo isku dayda inay xasiloonida iyo nabada waxyeelo u geysto, waxaan leeyahay Shacabka mar walba mid ahaada, midnimadiina iyo wada jirkiina ka shaqeeya, Dawladiina iyo Ciidankiina qarankana garab taagnada, cidna looma diidana halka uu qabiil ahaan iyo isir ahaan ka soo jeedo, laakiin haddana qaranimada ayaa wax walba ka muhiimsan, qabyaaladna waxba kuma nihin, ee qaran baynu wax ku nahay,dhabihii horumarka iyo ka midho dhalinta Ictiraafkeena ayeynu haynaa, ee cidna laga yeeli mayno xasilooni daro iyo nabadgalyo daro inay dalka ka abuurto”

Wasiirka Wasaaradda Biyaha ayaa dhanka kale munaasibad ka dhacday Burco oo uu kaga hadlay qodobo badan oo uu ka mid yahay Jabhada Caare, wuxuu yidhi“Haddii gobonimo jirto cidda hogaaminaysa ayaa abuurta, haddii cuqdadi timaadana cidda hogaaminaysa ayaa cuqdadawday, hadaad aragto Dhulbahante iyo Habaryoonis leh waa nala haystaa, inta u sareeysa ayaa cuqdada qaaday, waxaa guul darastay Siyaasiyiinta   la rabay inay deegaanka iyo dadka hoggaamiyaan, ee aan anigu ka mid ahay, ee maaha Shicibka, Gabadha, Wiilka, Odayga, Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada, waxaa laga hadlaayey ee dagaalkii SNM loo galay saw cadaalad ma ahayn, Somaliland dhexdeeda, waliba Beesha dhexe anagu aanu iskaba soo laabane, waxay iskugu shahiido ama ay ugu dagaalanto meesha miyey ku jirtaa, oo ay u tidhaahdo cid baa cadaalad daro ah, iyo cid baa cadaalad daro wax ku haysata, maxaynu qoriga iskugu qaadanaynaa, maxa dhib aan hor lahayn loo abuurayaa, waxaan maqlaayey Jabhad baa baxday, hebel baa tagay, hadda anaga ayaa halkaas joogay, oo haddii ay khayr leedahay, waanu joogi lahayn, haddii tan la iskugu jabhahaynayo Somaliland, waliba Beesha Dhexe, dagaal adag bay u gashay oo umadda naf iyo maalba lagu waayey, dagaalku siyaabo kale ayuu deegaanada kale u gaadhay, laakiin wakhti adag waxa dagaal lala galay Ciidankii Afrika ugu xooga weynaa, Taariikhdu waxay qortay in Ciidaankaas ay SNM ka xoog weynayd ,SNM marka la leeyahayna waa inta dhexe, anagu waxba hadalka ma qariyo ee runtaan sheegaa, waxa dagaalka loo galayna waa cadaalad,  maanta nin xabad rida ama yidhaahda cadaalad daro ayaa Somaliland ka jirta ama aan ka hadli karin ama aan goobteeda tagi karin, oo aan dhib u arkayn inuu wax sheego, hadlo, diido, oo aan awooda lahayn oo Somaliland ahi ma jiro, anaga ayaa kor iyo hoosba jooga, haddii aniga maanta qof igu yidhaahdo cadaalad daro ayaa jirta, ee cadaalad daro waa hadba qofku sida uu indhihiisa u dhigo,umadda reer Somaliland waa umad isku mid ah, wixii qabyo ah in la dhammeeyo ayaa loo baahan yahay, haddii ay ciddi wax tirsato dhaqan baynu lahayn, waa laga wada hadli jiray, waana la isku iman jiray, lama odhan karo maxaa wax loo tirsaday, laakiin wada hadal, qiimayn, isla eegis iyo isla gorfayn baa taladdu u baahan tahay markaas anigu Wasiir baan ahay, ciddii khaldan iyo ciddii laga gardaran yahay, xaq baan u leeyahay in aan dhegaysto, oo aan geeyo miiska ay taladdu ka go’ayso, oo aan ku idhaahdo dadkani xaqaas ayey leeyihiin, waa inaynu la hadalnaa, gar baana u arkaa, waana waxay u baahan yihiin, oo la rabo in wax laga qabto, Wasiirnimadu maaha tii laga baqi jiray ee  Dawlad Dimuqraadiya ayeynu joognaa, Madaxweynuhu wuxuu noo cugtay in aanu la talino, oo waxa khaldan iyo waxa saxda ah u sheegno, cid kasta iyo qof kasta iyo meel kasta oo uu joogo, diyaar baanu u nahay, in aanu dhegaysano, oo goobteeda aanu tagno, oo aanu la gorfayno, oo haddii ay waxaasi wax ka jiraan, aanu nidhaahno waa sax, khalad baa jira ee ha la saxo, miyaan sidaas awoodi Karin.”

Wasiirka Biyaha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi  “Maalintii Somaliland lagu dhawaaqayey, nin reer Badhameed ah, oo Sheekha ayaa ka hadlay oo markii dambe noqday Guddoomiye ku xigeenka Guurtida, wuxuu yidhi Ingiriis baad la timaadeen, reerka dhexaw, Ingiriiskii baanu idinku raacnay, haddana waxaad tidhaahdeen Xamar ina geeya, iyadana waanu idinku raacnay, haddana waxaad tidhaahdeen waanu la soo noqonay, iyadana waanu idinku raacnay, maxa idinka daamanad ah in berina aanad no odhaynin aynu haddana dib u noqono, waa nool yahay ninkii sidaas yidhi, waxa la inagu tilmaama dad go’aamada si caadifiya u qaata, waxa la inagu tilmaama dad aan go’aamada wakhi siinin oo aan ka garadaynin, oo ana dhan kasta ka eegin”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here