Hadda Kadib Faallada Aad Ka Bixinayso Qormooyinka Facebook Iyada Oo Cod Ah Ayaa Aad Dhigi Kartaa Bogga

0
595

1Washington (Geeska)- Bar-kulanka bulshada ee Facebook ayaa qorshaynaya in uu dhowaan soo kordhiyey adeeg cusub oo qofka doonaya in uu faallo ka bixiyo qoraal ama isagu faallo hor leh geliyo boggiisa u suurtogelinaya in uu codkiisa duubo oo faalladaas ku bixiyo, halkii ay hore ka ahayd in uu qoraal keliya fikirkiisa ku cabbiri karo, taas oo uga baahan keliya in uu gujiyo batamka kamaradda ee lagu soo kordhinayo bogga, isaga oo halkaas wixii cod ama xitaa sawir fiidyo ah ku reebi karaya.

Adeeggan cusub waxaa si fiican u heli kara dadka bogga facebook ka isticmaalaya talefannada iyo aaladaha kale ee casriga ah eek u shaqeeyoa barnaamijka Android iyo iOS ama si toos ah bogga internet ka ugaga jira internet kai yada oo marka uu mawska ku ishaaro qofku ay soo baxayaan ereyada Attach a Photo or Video kadibna ay soo baxayso daaqad uu ka dooran karo faylka uu doonayo in uu Upload gareeyo ama faallooyinka iyo xitaa jawaabaha faallada laga bixiyey. Masuuliyiinta shirkadda Facebook ayaa sheegay in ay adeeggan cusub tijaabinayeen tan iyo bishii Feebarweri ee sannadkan, laakiin ay arkaan in weli ay hawl dheeraad ah u baahan tahay oo dhowr bilood oo kale la sii wadayo dhamaystirkeeda.

Facebook ayaa muddooyinkii u dambeeyey laga dareemayey in uu si gaar ah muhiimad u siinayo dhinaca fiidyowga, sannadkan horraantiisii ayaa ay ahayd markii uu suurtogeliyey adeeg si toos ah maqal iyo muuqaal loogu gudbin karo, kaas oo hadda dhammaan macaamiishu isticmaali karaan. Sidoo kale waxa uu isla toddobaadkan suurtogeliyey farsamada 360 degree uu u bixiyey oo ah adeeg casri ah oo xoojinaya fiidyowga ka shaqaysiintiisa.