Hadda Kaddib Uma Baahnid In Aad Ka Fogaato Cunista Baastada, Adiga Oo Ka Baqanaya Miisaan Kugu Kordha

0
1458

London (Geeska)-  Cuntooyinka Kaarbohaydarayt ka lihi waxa ay ka mid tahay kuwa dhadhankooda loogu jecel yahay dunida oo dhan, haddana cunistooda loogu fogyahay ama loogu diidmada badan yahay, sababtuna waa cabsi laga qabo in ay miisaanka si xawli ah u kordhiso.

Laakiin sida lagu sheegay war uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska The Independent ee ka soo baxa carriga Ingiriiska, saynisyahanno dhowaan baadhis cilmiya ku sameeyey ayaa ogaaday in cunista Kaarbohaydarayt ku aanay miisaanka kordhi, weliba laga yaabo in ay ka qayb qaadato ridista miisaanka dheeraadka ah. Tijaabooyinka ay cilmibaadhayaashu sameeyeen ayaa muujinaya in korodhka ay baastadu ku samayso sonkorta jidhku ay ka yartahay inta ay kordhiyaan cuntooyinka kale ee ah Kaarboohaydaraytka la shiiday sida kimista cad / cuntooyinka duban ee ka samaysan daqiiqda cad.

Cilmibaadhayaal ka tirsan cisbitaalka St Michael’s Hospital oo ku yaalla magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa ogaaday in dadka cuna baastada oo ay yar tahay kaarboohaydaraytkeedu ay isku arkaan miisaankooda oo si aad u yar hoos ugu dhacaya. “Xeeldheereyaashu waxa ay ogaadeen in baastadu aanay kordhin miisaanka ama aanay jidhka ku badin dufanka” sidaas waxaa yidhi Dr. John Seivenpiper, oo ka tirsan cisbitaalka St Michael’s Hospital kana mid ahaa khubarada daraasaddan qoray. Waxa aanu intaas ku sii daray, “Runtii baadhisihii waxa ay muujiyeen in ay si aad u yar miisaanka hoos ugu dhigto” Dr. John waxa uu sheegay in natiijadan soo baxday awgeed ay imika suurtagal tahayba in baastadu qayb ka noqoto cuntooyinka miisaan dhimista loo isticmaalayo.

In kasta oo ay cilmibaadhayaashu sheegeen in weli baadhitaanno dheeraad ah lo baahan yahay si go’aan kama dambays ah looga gaadho in cunista baasatadu ay la mid noqon karto cuntooyinka kale ee loo adeegsado miisaan dhimista, haddana Rhiannon Lambert oo ah madaxa khabiirka ugu sarraysa nafaqaynta, ee cisbitaalkan ayaa sheegtay, ‘Fahamkii ay hore dadku u qabeen ee ahaa in marka ay miisaanka dhimayaan ay joojiyaan gebi ahaanba cuntooyinka Kaarboohaydaraytka leh, ay ahayd xog majaro habaabin ah”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here