Hadalka Wasiirul Dawlaha UAE Oo Banaanka Keenay Su’aalo Badan Iyo Wufuudda Somaliland Oo Ilaa 2012 Hal Mar Oo Keliya Arkay Dr. Anwar

46
2852

Hargeysa(Geeska)-Dad badan ayaa markii ay dhuuxeen hadalkii Dr. Anwar Qarqaash, wasiirul dawlaha arrimaha dibada ee UAE, gaar ahaan qaybtii uu ku sheegay inaanu jirin wax xidhiidh ah oo ay UAE la leedahay Somaliland, waxa ay dib u xasuusteen safaradii badnaa ee ay madaxda Somaliland ku tageen wadankaas.

Wufuudda Somaliland ee socdaalada ku tagayay dalka Imaaraadka Carabta ilaa sannadkii 2012 ayaa la ogaaday inay hal mar oo keliya la kulmeen wasiirul dawlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Qarqaash oo dhawaan baahiyay hadal ay shacabka Somaliland dhibsadeen oo ahaa inaanay UAE wax  xidhiidh la lahayn Somaliland. Weligoodna madaxda Somaliland lamay kulmin wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas.

Safaro badan oo uu Madaxweyne Siilaanyo dalkaas UAE ku tagay mudadii u dhaxaysay 2012–2017 ayaanay wufuudiisii  haddana la kulmin wasiirul dawlahan oo muhiim u ah siyaasadda UAE ee dibadda. Madaxweyne Siilaanyo ayaa wasiirul dawlahan arrimaha dibadda la kulmay bishii June ee sannadkii 2012 markaas oo ay dalka UAE wada hadal ku yeesheen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Anwar Qarqaash ayaa ahaa wakiilka dawladda Imaaraadka Carabta ka socday ee qaban qaabiyay wada hadaladan. Wakhtigaas waxa wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ahaa Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo isaguna markii wada hadalada la qaban qaabinayay xafiiskiisa kula kulmay Dr. Anwar.

Wixii ka dambeeyay sannadkaas 2012, ma jirin wax kulamo ah oo ay wufuudda Somaliland ee dalkaas UAE tagaa la yeelanayeen wasiirul dawlahan arrimaha dibadda ee UAE. Wasiir Maxamed Biixi Yoonis,  ma jirin wax kulamo ah oo uu la yeeshay. Sidoo kale Dr. Sacad Cali Shire oo safaro tiro badan ku tagay dalka UAE ayaan isna xataa hal mar kulan la yeelan diblomaasigan.

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo safarkiisii u horeeyay ku tagay dalka UAE, iyadoo ay weliba jireen xaalado badan oo diblomaasiyadeed, ayaan haddana la kulmin Dr. Anwar Qarqaash.

Dr. Anwar Qarqaash, waa mishiinka dhaqaajiya siyaasadda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ee wadamada Khaliijka iyo Afrika. Tusaale ahaan shirkii u dambeeyay ee wadamada Jaamacadda Carabtu ku yeesheen dalka Sucuudiga, wuxuu dalkiisa UAE u metelayay shirkii wasiirada arrimaha dibadda ee gogol xaadhka u samaynayay madaxda wadamada Carabta.

Sidaas marka ay tahay ee uu leeyahay culayskaas diblomaasiyadeed, dadka falanqeeya arrimaha xidhiidhka caalamiga ahi waxay aaminsanyihiin in mar haddii madaxda Somaliland ee sida xidhiidhka ah u taga dalka UAE aanay la kulmin masuulkan amaba wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas, ay taasi muujinayso in xidhiidhka Somaliland iyo UAE ku koobanyahay oo keliya shirkadda DP world oo markaas arrimuhu yihiin kuwo ganacsi.

In madaxda Somaliland ay la kulmaan Dr. Anwar ama wasiirka arrimaha dibadda ee UAE, waxay keenaysaa in labada dawladood ee UAE iyo Somaliland leeyihiin macaamil heer dawladeed ah.

Haddaba, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa la gudboon isagoo ka duulaya xaaladda diblomaasiyadeed ee taagan inuu isbedelo ku sameeyo xukuumadiisa. Sidoo kale waa inuu Madaxweynuhu dib u habayn ku sameeyaa siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, si Somaliland uga badbaado inuu dhutiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dunida, gaar ahaan dalkan UAE.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here