Hablaha Reer Hargeysa Oo Ka Damqaday Gabay Ku Jira Buug Uu Hore U Qoray Wasiirka Warfaafinta Somaliland

25
3651

Hargeysa(Geeska)-Hablaha beesha Ciidagale oo kulan balaadhan ku qabtay gudaha magaalada Hargeysa ayaa dhaliilay wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo oo buug uu qoray ku daray gabay hablaha beeshaas lagu lagu aflagaadaynayo.

Buugan oo magaciisu yahay Sooyaal ayaa boggiisa 94 -aad waxa uu wasiirkan oo qoraa ah uu ku xardhay gabaygaas oo dood badan magaalada Hargeysa ka abuuray.

Mid ka mid ah hablahan ayaa tidhi Marka uu buugan hablaha Ciidagale ku qoraayay waxa uu is lahaa halagugu barto, hadduu buugiisu socon waayay kumuu iibsamayn cayda hablaha Ciidagale,madaxweynaha Somaliland waxaan u sheegayaa in ninkan uu ka dhigtay wasiirka warfaafinta iyo dhaqanku, qofka dhaqanka loo dirtaa waa inuu noqdo qof isagu ku dhaqma  oo ah, umaad hido raacin, waxa uu ku hadlay iyo buuga uu hablaa ku caayay intaba umaad miid yeelin. Waxaan leeyahay wasiirka way inoo bilaabmatay wiigaas dabadii ama waad fadhiyi ama waad is dhiibi oo buugtaas ayaad gubi oo xaal ayaad bixin, ama anaga oo dhangad sidana ayaanu kuu iman.”

Sida oo kale haweenay kale oo halkaas ka hadashay waxa ay tidhi”Waxa uu ka hadlay hablaha Ciidagale, waxa aynu ognahay dumarka Ciidagale ee uu ka hadlay in madaxweynaha hooyadii suuban ay ku jirto laakiin waxa uu ku helay xil sidaan filaayo, waayo madaxweynuu buuga 2011-kii la goray ee intaas oo dhan joogay in uu og yahay ayaan filayaa, uma qalmo inuu wasaarada warfaafinta haysto oo uu dadka soo horfadhiisto.”

Ugu danbayntii mid ka mid ahayd haweenka beeshan oo kulankan ka hadlaysay waxa ay tidhi”Waxa uu buugu umada dhex galinayaa xumaan bari hore lagu kala bogsaday, waxaanu leenahay madaxweyne haween weynaha Somaliland oo dhan ayay ku tahay laf jab in qaranka Somaliland oo ay ka mid yahiin haweenka Ciidagale lagu dhex caayo oo waliba nin wasiir ah oo dadka u haya xil.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here