Habka Loo Isticmaalo Saliidda Afakaadhada Oo U Fiican Caafimaadka Maqaarka Iyo Timaha

43
4041

Hargeysa (Geeska)- Khudradda Afakaadhada waxaa ku jira 30 nooc oo ah faytamiinnada iyo curiyeyaasha jidhka awoodgeliya, waxaa ka mid ah faytamiinnada A, B, C, E, K iyo macdanaha iron, Copper, Magnesium, Potassium iyo Phosphorus. Waxa kale oo ku jira Proteins, Fiber iyo maaddooyin badan oo kiimikaad oo faa’iido aan la soo koobi karin u leh maqaarka iyo timaha.

Saliidda afakaadhaduna waxa ay hodan ku tahay asiidho dufaneed, iyo faytamiinnada B12, D iyo E oo si weyn u caawiya daryeelka maqaarka, kana qaybqaata daweynta dhibaatooyin badan oo soo gaadha maqaarka. Saliiddan oo si fudud u dhexgasha lakabyada kala sarreya ee jidhka iyo maqaarka lafta madaxa si ay u cusboonaysiiso unugyadu, waxa kale oo ay hodan ku tahay maaddooyinka lidka mariidka, iyo barootiinnada nudaha maqaarka da’yareeya kana ilaaliya cimridegdegga.

Maqaarka

Xeeldheereyaasha caafimaadka maqaarku waxa ay ku taliyaan in maqaarka lagu duugo dhibco saliidda afakaadhada ah, oo 10 daqiiqo inta lagu daayo, kaddib lagaga maydho biyo qabow, waxa ay maqaarka u keenaysaa dhalaal dheeraad iyo dux. Saliidda Afakaadhadu waxa ay dawaysaa xagtimaha iyo nabarrada yaryar ee wejiga ku samaysma, waxa aanay daweysaa madowga iyo gubashada qorraxda, waxa kale oo a la dagaallantaa bakteeriyada iyo jeermisyada.

Saliidda afakaadhadu waxa ay awood iyo adkaan u kordhisaa maqaarka, waxa aanay ka ilaalisaa dhaawacyada ka soo gaadha dabeecadda, sida cimilada, dabaysha, qorraxda iwm. Sida oo kalana waxa ay giijisaa maqaarka oo ay ka saarto coodhcoodhka, gaar ahaan wejiga, indhaha hareerahooda ku samaysma, waxa ay ururisaa daloollada maqaarka oo mararka qaarkood ballaadhan, waxa ay furtaa midabka dabiiciga ah, waxa aanay daweysaa furuuruca ku samaysma maqaarka oogadiisa.

Timaha

– Saliidda afakaadhadu waxa ay timaha siisaa dux ka daweysa ingagga, waxa aanay siisaa nafaqo ka ilaalisa go’itaanka iyo in ay midabguuraan.

– Saliidda afakaadhadu waxa ay kor u qaaddaa caafimaadka timaha, waxa aanay ka dhigtaa jileec dhalaalaya.

– Maaddooyinka afakaadhada ku jiraa waxa ay timaha kala dagaalamaan bakteeriyada, sidaa awgeed qofka saliidda afakaadhada isticmaalaa iskuma arko toxob, waxa kale oo ay xoojisaa tinta, waxa aanay badisaa bixitaankooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here