Hababka Aad Iskaga Ilaalin Karto In Niyadjabka, Rajobeelka Iyo Xaaladaha Nafsiga Ah Lagu Qaadsiiyo

33
3948

Hargeysa (Geeska)-  Qofku noloshiisa waxa uu maraa duruufo iyo waayo ku abuura shucuur kala duwan, sida jacayl, nacayb, uurkutaallo, niyadwanaag, rajo, cafisk, qiiro, wacadfur,liidnimo, awood, khiyaamo, daacadnimo, fikir dheer, kaadsiimo, degdegsiimo iyo tobannaan kale oo aynaan soo kooni karin oo mid kastaa ka dhasho duruufaha iyo xaaladaha ku xeeran qofka. Dareennadan oo dadka qaar ku guulaystaan in ay maamulaan kana guulaystaan, ayaa dadka qaar ku keento raad taban oo noloshooda iyo nolosha dadka ku xeeran oo dhan gaadha, waana dareenkaas dambe dareenka ay culimada cilminafsigu ku magacaabaan waxa afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Negative Energy’ oo aynu ku macnayn karno, ‘Tamarta taban’, gaar ahaan marka uu qofku xaaladaha aynu soo xusnay u gudbinayo dadka ku xeeran.

Waxa ay khubarada cilminafsigu aaminsan yihiin in marka uu qofku ku jiro xaaladda ‘Tamarta taban’ aanay ka khatar yarayn xaaladaha caafimaadkaa jidheed ee kale, waxyaabaha ay qofka ku keentana ay ka mid tahay in qofku uu si taban u fkiro, niyadjab aanu danihiisa ku foofi karin, niyadxumo aanu arkayn ama aaminayn in ay jiraan wax wanaagsan oo uu heli karo ama guul uu gaadhi karaa, iyo in uu go’aamo qaldan nolosha ka qaato isaga oo mar kasta sheegaya cudurdaarro uu ugu marmarsoonayo fikir iyo go’aanka uu qaatay. Waxa ka sii khatar badan in dadka xaaladdan ku jiraa ay awood u leeyihiin in ay u gudbiyaan dadka ku xeeran, haddaba si aad uga dheeraato in ay ku niyadjabiyaan ama tamarta taban ku qaadsiiyaan dadka xaaladahaas ku jiraa waxa ay khubarada cilminafsigu ku siinayaan talooyinka soo socda oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Alcarabiya.

  1. Iska jir in rayiga dadka kale raad kugu yeesho: In aad raalligeliso dadka ku kugu xeeran oo dhami waa arrin aan suurtagal ahayn, sidaa awgeed ha isku mashquulin aragtiyahooda taban ee ay kaa aaminayaan, ee keliya ku dadaal in aad adigu raalli ka tahay naftaada iyo ficillada aad ku kacayso adiga oo aan dadaal gelinayn raalligelinta dadka kale.
  2. Iska jir in aad aan xakamaysnayn ula qiirooto dhibaatooyinka dadka kale: Waa ay fiicantahay in qofku uu mar kasta lahaado dareen bani’aadamnimo oo la xanuunsada dhibta haysata dadka ku xeeran, laakiin waa in aanu ka tegin taxaddarka, gacantiisana aanay ka bixin xakamaynta qiiradiisa, si aanay isagana ugu dhicin ‘Tamarta taban’ oo dhibtaas aanu waxba ka qaban karayn aanay sabab u noqon in uu isaguna galo xaalad kale oo nafsiya oo caqabad ku ah habsami u socodka noloshiisa. La qiiraado dhibaatada dadka laakiin xaaladdooda dusha ha u ridan.
  3. Xakamaha ogow: Ku dadaal in aad iska xakamayso xidhiidhka dadka mar kasta aragtida quusta ah qaba, si aanay noloshaadu isugu beddelin tooda oo kale. Mar kasta oo aad badiso la macaamilka dadka quusta iyo niyadjabka ku nool, waxa aad ku dhowaanaysaa in aad xaaladdooda isku beddelo. Ogoow in aanad ku qasbanayn in aad joogto u dhegeysato baasaysiga, quusta, hiifka iyo niyadjabka uu qofka kale ku nool yahay.
  4. Waqtigaaga qaado: Waa muhiim in aad naftaada u samayso waqti u gaar ah oo aad cid kale oo kasta ka dheeraato, waayo waxa aad heli doontaa nafis iyo nasasho badan, isla markaana fursad aad si deggen arrimahaaga gaarka ah uga fikirto ayaa ay kuu noqonaysaa. Maxaa ka fiican in aad maalmaha qaar adiga oo kelidaa ah barandaha gurigaaga fadhiisato oo aad halkaas bunkaaga ku cabto, wa hab aad naftaada iyo maskaxdaadaba firfircooni ku abuurayso, kana helayso tamar togan iyo in aad dunida dhinaca fiican ka eegi karto.
  5. Xakamee shucuurtaada: Qofka nafsad ahaan xasilooni waxa uu awood u leeyahay in uu shucuurtiisa xakameeyo, oo uu ka adkaado naftiisa si aanay iyadu uga adkaan, ogow oo tamarta tabani mar kasta cid kale kaaga imanayso ee mararka qaarkood ayaa ay naftaada lafteedu kugu keenaysaa, in aad shucuurtaada ka adkaataana waah ab aad iskaga caabbin karto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here