Hab Adiga Oo Aan Seexan Aad Maskaxda Ugu Abuuri Karto Firfircoonida Iyo Nasashada Ay Hurdada Ka Hesho

0
1361

London (Geeska)- Inta badan waxaa dhacda qofku in isaga oo shaqaynaya ama aan hurdo diyaar u ahayn uu dareemo habacsanaan iyo firfircooni darro dhinaca maskaxda ah, qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka Healthy Cure oo ka faallooda arrimaha caafimaadk, ayaa inooga warramaysa xeelad neefsiga qofka habaynaysa oo ay ka dhalanayso in maskaxdu baraarugto, xeeladdaas oo afka qalaad lagu yidhaahdo Alternate Nostril breathing una soo gaabsan (ANB) waa hab uu qofku labada dul ee sankiisa isugu bed-beddelayo neef qaadashada iyo soo celnta, waxa aanay khubaradu aaminsan yihiin in ay tahay dawo qofka nafsi ahaan u dejinaysa, culayska iyo diiqadda maskaxda iyo hab-dhiska neerfayaasha saaran ka rogaysa, isla markaana firfircooni ku abuuraysa, waxa aanay u baahan tahay 2 daqiiqo oo keliya.

Habka:

Sida magacaba laga dhadhansan karo waa hab labada dul ee sankaba fursad u siinaya in ay neefi marto, meeshana ka saaraya sida marar badan dhacda marka aynu iskeen isaga neefsanayno oo ah in labada dul midkood uun aynu isticmaalno, arrintaas oo aan maskaxda u fiicnayn caafimaad ahaan.

Tallaabada 1: Suulka gacantaada midig ku dabool dulka midig ee sankaaga.

Tallaabada 2: Si tartiib ah dulka bidix ee kuu firan hawada uga nuug.

Tallaabada 3: Ilbidhiqsiyo neefta isku celi.

Tallaabada 4: Markaa kadib sii daa dulkaas oo u kaalay dulka Midig, far dhexadana ku dabool si aanay neefi u marin.

Tallaabada 5: Hawadii aad qaadatay dib u soo celi oo soo mari dulka kuu furan oo ah midigta.

Tallaabada 6: Mar kale haddana dib uga soo bilow tallaabadii koowaad, adiga oo labada dulna is weydaarinaya.

Intaasi waa hal wareeg, si tartiib ah ha lama laba wareeg oo sidan oo kale ah samee, marba marka ka sii dambaysana kordhin tirada wareegtyada. Marka aad dhammaysana ilbidhiqsiyo yara fadhi.

Marka la soo koobo habkani waa in labada dul aad bixid neefta ka nuugto, midigna ka soo celis, adiga oo kolba dulka aanad isticmaalayn xidhaya.

Digniin Caafimaad: Haddii aad dhiigkar leedahay oo aad rabto in aad habkan isticmaasho, iska jir in aad neefta ilbidhiqsiyada aynu kor ku soo sheegnay isku joojiso, keliya waxaa lagaa rabaa in aad si tartiib ah dulka bidix neefta uga qaadato midigtana uga soo celiso, balse neefta mar keliya ha isku joojin.

Sirta ku jirta:

Maskaxdeenna qaybta midigtu waxa ay ku xidhiidhsan tahay dareenka, halka qaybta bidixduna ay ku xidhiidhsan tahay fikirka. Marka aad adiga oo miyirkaagu joogo si sax ah isugu bed-beddesho labada dul oo midna aad ka qaadato midna ka soo celiso neefta, waxa aad firfircoonaynaysaa oo aad gaadhaysaa maskaxdaada oo dhan.

Faa’idooyinka caafimaad ee ku jira:

Waxa ay khubaradu  caddeeyeen in habkan neefsi laga faa’idayo; Nolol iyo tamar cusub, shaqada maskaxda oo inteeda hore ka sii fiicnaata, tusaale ahaan u fiirsiga, baraarugsanaanta iyo fahamka furan oo furma. Waxa ay nadiifinaysaa sambabka gaar ahaan marka subaxda iyo habeenkii la sameeyo, waayo hawada hore ee raagtay ayaa ay ka soo saartaa sambabka. Waxa ay maskaxda ka dejisaa warwarka iyo cabsida, waxa aay xoojisaa wada shaqaynta labada qaybood ee maskaxda iyo awoodda ay u leedahay fikirka dhaqsaha ah, waxa ay dejisaa xamaasadda, taas oo qofka fursad u siinaysa in uu si deggen oo aan acsaabtiisu qasnayn u fikiro.

Sidoo kale habkani waxa uu dejiyaa hab-dhisyada neerfeed ee jidhka oo diiqadda ay u beddeshaa xasilooni iyo dabacsanaan, waxa ay nadiifisaa oo ay dardar gelisaa aadna u xoojisaa tamarta.

Ugu dambayntiina waxa ay khubaradu sheegeen in maskaxda bani’aadamku si degdeg ah u fuuq-baxdo, sidaa awgeed ay fiican tahay in qofku uu ilaaliyo cabbista biyaha, jimicsigan oo uu ku daraana uu firfircooni ku sii kordhinayo.