Ha La Xaal Siiyo Wasiirka Duulista: Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac (Indho)

31
713

 

Tan iyo wakhtigii loo igmaday hogaanka sare ee Wasaarada Duulista Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi madaw iyo muran toona kuma jiro in Wasaaradu waxqabadka ka muuqdaa yahay indhaha caafimaadka qaba waxqabad ay arkayaan, oo si cad uga muuqanaya, wax qarsoomaya maaha in madaarada dalka ay ka socdaan guud ahaanba , wax qarsoomaya maaha in madaarada dalka ay ka socdaan dhismayaal casri ah sida Hargaysa, Berbera, iyo Burcaba kuwaas oo u hawl galaya ama la mid ah qaab dhismeedka ay u samaysan yihiin madaarada Caalamka ee sida isku mid ah u hawl gala.

Madaarada dalka dhamaantood waxaa loo abuuray oo ka hawl gala shaqaale iyo qalab casri ah oo la mida qalabka madaarada caalamka lagaga hawl galo dhinaca nabadgalyada. Terminals-ka kala duway ee madaarada dalka laga hirgeliyay waxaa loo dhamaystiray dhamaan agabyada kala duwan ee adeega shaqada socoto lagu fuliyo waana qalab casri ah oo cusub, taas oo sababtay in shaqadu si bilaa turxaan ah u marto dariiqi jira ee loogu tolo galay in shaqadu ay ku wareegto.

Run-wayga madaarka Hargaysa, oo muddo 70 sanno ah markii ugu horaysay dib u dhis lagu sameeyay iyadoo wakhtigan xaadirka ah uu gabo-gabo ku dhaw yahay, waxaana qirayaa in si hagar la’aan ah oo lexo jecle leh loo wada shaqada ka socota Run-wayga, haday noqoto dhinac culayska oo sidii loo rabay lagu dhamaystiray Run-wayga isla markaana uu iska caabiyi karo culays kasta oo diyaaradu leedahay leeyahayna cimri dherer taas oo aan qirayo boqolka sanno ee soo socda in aan wax isbedel ahi ku imaan doonin Run-wayga haddii Alle ogolaado. Waxaa intaas dheer labada Run-way ee Berbera iyo Burco oo si toos ah iyaguna dhismuhu uga socdo isla markaana loo dhamays tiray agab kala duwan ee madaarada loogu talo galay.

Gabo-gabadii dhamaan madaarada dalka waxa u dhamaystirmaya bilaha soo socda dhamaan dhismayaasha kala duwan ee ka socda iyadoo si casri ah loo dhisay qalabka hoos yaalaana uu yahay dhamaantii mid casri ah lana mid ah qalabka loogu talo galay madaarada caalamka. Haddaba iyadoo aan halkan lagu soo koobi karin waxqabadka uu la yimid wasiirku isla markaana aan la iska indho tirin karin waxqabadka muuqda ee wasiirku hormoodka ka yahay. Kuwa indhaha iyo dhagahaba ka awdan ee warbaahinta xogta aan waxba ka jirin siinaya ee sida xaasidnimada iyo nacaybka le hula daba socda wasiirka ha ka xaal-siiyaan wasiirka mudan sharafta. Inta caafimaadka qabta ee aan ka midka ahay waxaan xaal ka siinaynaa nabarada gardarada leh ee kaga yimaada xubnaha caadaystay dhaleecaynta wasiirka oo aan u arko inay yihiin cadawga Somaliland.

Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac (Indho)

Aviation Staff

Comments are closed.