Guurtida Oo Gudo Gashay Ajandaha Muddo Kordhinta iyo Magacyada Guddi 21 Xildhibaan Ah Oo Ka Soo Talo Bixinaya

0
552

Hargeysa (Geeska)- Kal-fadhigii shalay ee Golaha Guurtida, oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Guddi ka kooban 21 Xildhibaan u saaray ka soo talo bixinta muddo kordhinta loo sameeynayo Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, oo isagu ugu horeyn kal-fadhiga ka hadlay ayaa ka xog waramay ujeedada kal-fadhigooda, muddo kordhinta Xukuumadda iyo Guddida ay u saarayaan ka soo talo bixinta muddo kordhinta, waxaanu xusay inay ka Gole ahaan dib u dhiganayaan xeerarka kale ee ku jira ajandaha 62aad, oo ay marka hore is dhaafinayaan muddo kordhinta laga sugaayo, waxaanu yidhi isagoo arimahan ka hadlaya “Teenii Golaha u khaaska ahayd dib baynu u dhiganaynaa, hawlihii Qaranku inaga sugaayey ee kale, baynu dhammaynaynaa, Guddi 21 ah ayaan saarnay, 21 ka soo talisa, oo Guddoomiye ku xigeenka kowaad Guddoomiye ka yahay, waxaan culayskaas u saarnay waxa weeye, cid waliba ha iska aragto, qoladii Guddidii joogtada ahayd warbixintoodii idinku qoraal ku soo dhiiba, marka aanu isku soo noqono baynu galaynaa”.

Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa isagu halkaas ka sheegay magacyada Guddida 21-ka Xildhibaan iyo xoghayaha ah ee loo xilsaaray ka soo tala bixinta muddo kordhinta Xukuumadda, kuwaas oo kala:

1. Siciid Jaamac Cali, Guddoomiyaha Guddida, isla markaana ah Guddoomiye xigeenka kowaad ee Golaha.

2. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan xubin.

3. Maxamuud Xaashi Rooble, xubin.

4. Cawil Cismaan Maxamuud, xubin.

5. Axmed Nuur Aw Cali Adan, xubin.

6. Cabdiqaadir Maxamed Xasan, xubin.

7. Cabdiraxmaan Rooble Maxamed, xubin.

8. Dayib Xasan Axmed, xubin.

9. Siciid Cabdilaahi Yaasir, xubin.

10. Xirsi Ciise Jaamac, xubin.

11. Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug, xubin.

12. Siciidi Xaaji Xuseen Yuusuf, xubin.

13. Muxumed Aw Axmed Xaaj Aadan, Xubin.

14. Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, xubin.

15. Xuseen Ibraahim Aw Nuur, xubin.

16. Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf, xubin.

17. Nuur Jaamac Khayre, xubin.

18. Cawil Xuseen Axmed, xubin.

19. Axmed Daahir Jirde, xubin.

20. Xaaji Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac, xubin.

21. Yuusuf Cabdilaahi Cawaale, xubin.

22. Cabdinaasir Aadan Beegsi oo ah Xoghayaha Golaha Guurtida, oo ah Xoghaynta Guddida.