Guurti Iyo Salaadiin Loo Xilsaaray Heshiisiinta Beelaha Dharkangeyo Oo Ka Socdaalay Caasimada

0
527

Hargeysa (Geeska)-Guddii Golaha Guurtida ee uu dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay inay dhex galaan oo ay soo dhex dhexaadiyaan labadii beelood ee dagaalku ku dhexmaray Deegaanka Dharkeen-geenyo oo ayaa Shalay si rasmiya Caasimadda uga anbabaxay.

1

Guddida uu Madaxweynuhu magacaabay waxa safarkooda ku wehelinaya Madax dhaqameed iyana doonaya inay hawshan ka qayb qaatan oo labadaas beelood ee dhibku soo kala gaadhay ay soo heshiisiyaan, wixii dhib ee ka dhex dhacdayna ay soo afjaraan.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Guddidan u sii duceeyey, waxaanu ugu duceeyey in safarkoodu noqdo mid khayr qaba, oo nabad qab ku gaadhaan halkii ay tagayeen, waxa kale oo uu ugu duceeyey in sida ugu wanaagsan ugu dhakhsaha badan u soo xaliyaan dhibka dhexmartay labadan beelood ee wada dega Dharkeen-geenyo.