Guulihii Rayaale Ka Gaadhay Geedisocodka Aqoonsi Raadiska Iyo Gaabiska Maanta Guulihii Rayaale Ka Gaadhay Geedisocodka Aqoonsi Raadiska Iyo Gaabiska Maanta

0
719

Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu qaaradda Afrika Somaliland uga dhex sameeyay saaxiibo badan oo qaddiyadeeda u dooda, waxaana saaxiibadaas uu sameeyay gacan ka siiyay diblomaasiyiin iyo ergay u dhashay qaaradda Afrika oo Somaliland uga wakiil ahaa dalal badan.

Waxa jiray diblomaasi u dhashay dalka Gaana oo lagu magacaabo Steve Mawuenyega, waxaanu ahaa wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka Gaana iyo galbeedka Afrika, waxaanu gacan weyn ka gaystay inay Somaliland ku xidhanto dalka Gaana. Dadkii ay wakhtigaas Madaxweyne Rayaale isku xidhmeen ee sida weyn u taageeri jiray qaddiyadda Somaliland waxa ka mid ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Gaana  intii u dhaxaysay 2003 to 2007 Dr. Nana Addo Dankwa Akufo-Addo waxaanu bishii January ee sanadkan noqday madaxweynaha Dalka Gaana.

Madaxweyne Rayaale waxa uu socdaal ku tagay bishii March ee 2007 dalka Gaana, waxaana madaarka caasimadda Gaana ee Accra ku soo dhaweeyay wasiirkii arrimaha dibadda ee Gaana Mr. Nana Addo Dankwa Akufo-Addo, waxaanu Madaxweyne Rayaale oo sidoo kale la kulmay madaxweynihii xilligaas ee Gaana Mr. John  Kufuor, uu dalkaas kaga qayb galay doodo iyo kulamo lagaga hadlay qaddiyadda Somaliland. Rayaale oo safarkaas Gaana saxaafadda Somaliland uga waramay markii uu soo laabtay wuxuu yidhi  “Ugu horeyn waxaan u mahadnaqayaa dadka iyo dalka Ghana, gaar ahaan Madaxweynaha dalka Ghana John Kufuor, sidii fiicnayd ee ay aniga iyo weftigii loo soo dhaweeyey, taas oo ahayd mid heer sare ah oo protocol dawladnimo ahayd.Waxaan aniga(Rayaale) iyo weftiguba ka qeyb galnay munaasibadii konton guuradii ka soo wareegtay markii ay Ghana xoriyada ka qaadatay Oo ku beegan 6 bishan March 2007, Waxaanay ugu magac dareen(Golden Jubillee of Ghana’s Independence) taas oo aan martiqaad ka helnay dawlada Ghana.waxaanu ka qeybgalnay casuumad casho oo lagu qabtay xarunta State house-ka ee dalka Ghana, iyadoo si heer qarana oo protocol dawladnimo lanoogu soo dhaweeyey Xarunta Madaxtooyada Ghana.”

Rayaale oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Intii aan ku guda jirnay munaasibaa sanad guurada 50-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada qaadatay Ghana, madax fara badan oo isugu jirtaa madaxweynayaal, madaxweynekuxigeeno, wasiiro Arrimo-dibadeed iyo diblomaasiyiin fara badan ayaanu la yeelanay hadalo, kuwaas oo waxtar weyn u lahaa qadiyadeena. Waxa kale oo ay dawlada Ghana nagu casuuntay inaan ka qeybgalno xaflad qado sharafa oo loo sameeyey Madaxweynaha Dalka Nigeria Chief Olusugnug Obasango, taas oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada Ghana,iyadoo casuumada ay ka soo qeyb galeen madaxweynayaal iyo madaxweyneku-xigeenoyaal dalalka kale oo fara badan.Kulankii xarunta kofi anan Internatinal Peace-Keeping training Center, waxa kale oo aan aniga iyo weftiguba ka qeybgalnay dood lagu falanqeynayey qadiyada Somaliland oo lagu qabtay kofi anan peace-keeping training Center, kulankaas oo lagaga hadlay qadiyada Somaliland xubnaha ka hadlay waxay isugu jireen khubaro ka socotay jaamacada Ghana, Madax sar sare oo ka socotay wadanka Ghana, dhalinyaro jaamacada Ghana wax ka barta iyo ururo bulshada isagoo wasiirka Arrimaha dibada Somaliland-na uu khudbad halkaasi ka jeediyey, madaxdii iyo khubaradii iyo masuuliyiintii ka soo qeybgalay shirkaas, waxay si aada u soo dhaweeyeen qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland, taas oo ay u arkeen inay tahay mid xaqa oo dalka iyo dadka Somaliland aan la dafiri Karin.Weftiga Waxay ka soo qeybgalayaashi shirku weydiiyeen Su’aalo fara badan, kuwaas oo si waafiya uga jawaabnay isla markaana ku qanceen.”

Socdaaladan Rayaale waxa ka shaqeeyay ergaygaas Somaliland u shaqaynayay ee aynu kor ku soo sheegnay danjire  Steve Mawuenyega oo u dhashay dalka Gaana.

Bishii Jullaay ee sannadkii 2007 waxa magaalada Accra ee dalka Gaana lagu qabtay shirkii madaxweynayaasha Afrika, waxaanu madaxweyne Rayaale dalka Gaana u diray wasiirkiisii arrimaha dibadda Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo ahaa siyaasi wax badan ka qabtay kor u qaadista xidhiidhka Somaliland ee dibadda, waxaana weheliyay danjire  Steve Mawuenyega. Saxaafadda dalka Gaana ayaad aad wax uga qortay weftiga Somaliland oo kulan la yeeshay madaxweynihii Gaana iyagoo gaadhsiiyay dhambaal ka socday madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Waxa kale oo sida saxaafadda Gaana qortay ay dhambaalo gaadhsiiyeen madaxdii Afrika qaar ka mid ah.

Warbaahinta lagu magacaabo Daily Guide Africa ee dalka Gaana  ayaa qortay in wasiirkii arrimaha dibadda ee Gaana ee wakhtigaas Dr. Nana Addo Dankwa Akuffo-Addo oo hadda ah madaxweynaha Gaana uu sheegay inay dawladda Gaana taageerstanahay dedaalada degenaansho iyo nabadgelyo ee ay Somaliland ku soo kordhisay gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay inay Gaana ka go’antahay inay taageerto Somaliland.

Sidoo kale warsaxaafadeed uu weftiga Somaliland soo saaray ayaa lagu sheegay in Gaana iyo Somaliland ay cadeeyeen baahida loo qabo in labada dal iskaashadaan, iyadoo intaas lagu daray in hay’adaha ganacsi ee Gaana ay diyaar u yihiin inay Somaliland la wadaagaan khibradooda.

Heerkani, waa halkii uu uu madaxweyne Rayaale gaadhsiiyay  xidhiidhkii Somaliland iyo galbeedka Afrika, gaar ahaan dalka Gaana oo uu maanta madaxweyne ka yahay Dr. Nana Addo Dankwa Akufo-Addo oo ah  nin si wanaagsan u haya taariikhda Somaliland. Laakiin markii uu Madaxweyne Rayaale xilka ku wareejiyay Madaxweyne Siilaanyo ayuu meesha ka baxay xidhiidhhkii Somaliland iyo Gaana oo wakhtigaas marayay meel aad u wanaagsan. ….La soco