GUUGUULE IYO MAANTA

0
1222

Xalay ayuun baan ku riyooday anigoo madaxweynaheena mujaahidka ah horfadhiya oo la kaftamaya, dabadeedna waxaan ku idhi madaxweyne kelmadan “Horaa loo soconayaa” horta yaa waagii ololaha kuu keenay, ilayn Ina Iileygan kililka haysta ayaa kelmada laga soo xaday oo dib u curashadan uu sheego ayay la socotay oo wuxuu ku heesi jiray “Hangaraarac lug uma dhutiyee; horaa loo soconayaa.”. Ina Biixi oo aan xalay wejigisia ka baqday ayaa dabadeed inta uu I soo eegay igu yidhi ‘yaa ku yidhi waa la soo xaday,’ ana intaan naxay ayaan ku idhi, waan ku riyoodee,  waxaan u jeeday Ina Iiley ayaa laga soo amaanaystay.  Waar hooy imikaba yaan riyada la isku xidhin haddii kale dadkuba seexan maayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here