GUUGUULE IYO MAANTA

35
3717

Laba goor ayay dadka diblomaasiyiinta ahi qabaan inuu aqoonsiga Somaliland ugu dhawaa. Maalin waxa la sheegaa inay ahayd maalin uu Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi uu qol hudheel ah oo Nayrobi ku yaalay isugu xareeyay Marxuum Cigaal iyo Marxuum Caydiid oo uu yidhi waxaad ku soo heshiisiin ayaan IGAD iyo Midowga Afrika gaynayaa, dabadeed Cigaal wuxuu Caydiid u bandhigay inuu aqoonsado qaddiyadda Somaliland oo uu ku dhiirado, laakiin Caydiid taasi way ku adkaatay waanu diiday.  Cigaal wuu ka soo saaray Caydiid qolkii, waxaanu Caydiid soo baxay isagoo faraha taag-taagaya. Maalinta labaadna waxay ahayd Daahir Rayaale ayuu madaxweyne Afrikaan ahi ku yidhi aqoonsiga bilaash la iskuma siiyee iga iibsada. Waayahee maxaad nagu baayacaysaa markii la yidhina wuxuu yidhi 5 bilyan oo dollar. Rayaale wuxuu ku yidhi aan badh ku sii siiyo, badhka kalena nagu lahoow oo na amaahi. Dabadeed wuxuu madaxweynihii yidhi “Adeer, dilaalka siyaasadda la isma amaahiyo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here