GUUGUULE IYO MAANTA

44
4832

Cigaal markii Borama lagu doortay wuxuu tagay Kenya, waxaanu Nayroobi ku arkay madaxweyne-xigeenkii Itoobiya ee markii dambena wasiirka khaarajiga noqday Mr. Seyoum Mesfin oo uu ka codsaday in Itoobiya Addis Ababa ku qaabisho, roog casna u dhigo, dabadeed Seyoum ayaa ku yidhi roog cas kuuma dhigaynee sida Cali-mahdi iyo Caydiid ayaanu kuu qaabilaynaa.  Cigaal muu jeclaysan hadalkaas, waxaanu la kulmay safiirkii Ereteriya ee Nayrobi joogay oo uu ka codsaday in Asmara lagu qaabilo, roog casna loo dhigo. Ereteriya way aqbashay, roog cas ayaana loo dhigay Marxuumkii oo Asmara ayaa lagu soo dhaweeyay, wixii intaas ka dambeeyayna Hargeysa ayuu yimid, maalmo ka dibna Addis Ababa ayaa u soo dirtay martiqaad rasmi ah iyo diyaarad gaar ah.  Macalin hoggaamiye ah ayuu ahaa Alle haw naxariiste.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here