GUUGUULE IYO MAANTA

0
820

Anigu loolanka murashixiinta ee doorashadeena war-war badani igama hayo oo ragga tartamayaa waa 70 jir iyo wax ku dhow. Waxaanse ka cabsi qabaa waxan la yidhaahdo “Fake News” ee wararka been abuurka ah oo hadda saameeyay doorashada Kenya. Waar hooy qolyaha saxaafadda waxaan leeyahay xil gaar ah aynu isa saarno oo qarankeena aan u tudhno.