Xidigaha Geeska Vs Saxafiyiinta Dalka: Ciyaartii Lawada Sugayey Oo Si Rasmiya Loo Shaaciyey Wakhtiga ay Qabsoomi Doonto

0
1424

Hargeisa (Geeska) Waxa dhawaanba bulshada reer Hargeysi kawar sugaysay ciyaarta u dhexaysay kooxda Fanka ee Xidigaha Geeska iyo Suxufiyiinta dalka, ciyaartan oo dib udhac ku yimid maadaama oo tartankii koobka kooxha heerka koowad ka socday garoonka Hargeysa stadium. Haddaba waxa rasmiya markale loo iclaamiyey inay ciyaartani dhici doonto maalinta khamiista ee 16 bisha March. Kulanka ayaa ah mid qaadhaan loogu ururinayo dadka abaaruhu saameeyeen.  Haddaba gudida qaban qaabada ciyaartan oo ka kooban labada dhinac ee tartami doona ayaa Wargeyska Geeska Afrika uga waramay dib udhaca ku yimmid ciyaartan iyo xiligaa kele ee ay u qoondooyeen. Gudoomiyaha gudidan Maxamed Ciise Aadan oo nooga waramay sababta keentay, waxaaanu noo cadeeyey in tartanka garoonka ka socdaa sababta ugu badan tahay, halka diyaar garowga kooxuhuna socda, tabobarna ku qaataan garoonada caasimada.

Dhanka kale Abwaan Xasan dhuxul Laab-saalax oo aanu la xidhiidhnay ayaa qudhiisu noo cadeeyey inay diyaar garoobeen isla markaana qaataan tabobar kubadeed oo ay ugu diyaargaroobayaan ciyaartan. Waxa sido kale abwaaanku ugu baaqay bulshada reer Hargeysa inay ciyaartan kasoo qaybgalaan si ay u taakuleeyaan walaalahooda abaaraha ku tabaalaysan oo qaadhaan loogu ururinayo ciyaartan. Si kastaba ha ahaatee bulshada intooda badani hadal haysaa kulankan cida badin doonta iyo qaab ciyaareedka dhalinyardan mihnada mikrafoonku midaysay.