Gunaanadkii Shirweynaha KULMIYE Ee Shalay Iyo Khudbadihii Saylici Iyo Muuse Biixi Ay Ku Soo Xidheen

0
701

Picture5Hargeysa(Geeska)-Shirweynihii xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa si rasmi ah loo soo gunaaday, waxaana dib loogu doortay hoggaaminta shanta sanadood ee soo socda hoggaankii hore ee xisbigaas.

Sida oo kale waxa tirada golaha dhexe ee xisbigaas lagu kordhiyay boqol xubnood si loogu helo kuraas ururadii ku biiray xisbiga Kulmiye. Waxaana xusid mudan in aan wax tartan ah ka dhicin shirweynahaas, isla markaasna ay ergooyinka isa soo hor istaageen dhawr qof oo sheegay inay sharaxnaayeen laakiin masuulyiintan uga tanaasulay musharaxnimadoodii.

Waxa goobtan fadhiyay 1,131 ergay, waxaana ugu horayntii cod loo qaaday guddoomiye Muuse Biixi Cabdi,kaas oo ay dhamaan ergooyinku u codeeyeen, waxa sida oo kale cod loo qaaday guddoomiye ku xigeenka koowaad Maxamed Kaahin Axmed Waxaana u codeeyay 1127 ergay, waxaana diiday 4 ergay, waxa sida oo kale cod gacan taag ah loo qaaday guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Yuusuf Waabeeyo waxaana u codeeyay 10,95 ergay, halka ay ka diideen 36 ergay, intaas kadib waxa cod loo qaaday guddoomiye ku xigeenka saddexaad Cabdiramaan Maxamed Talyanle waxa u cideeyay 1,124, halka ay ka diideen 7 ergay, guddoomiye ku xigeenka afraad ahna madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiramaan Saylici ayaa cod loo qaaday waxaana u codeeyay 1,115 ergay, halka ay ka deediin 16 ergay, ugu danbayntii waxa cod loo qaaday xoghayaha guud Xasan Siciid Yuusuf waxaana u codeeyay 1,118, halka ay ka diideen 13 ergay.

Doorashada ka hor waxa shirweynaha qudbad ka hor jeediyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna guddoomiye ku xigeenka afaraad ee xisbiga Kulmiye Cabdiramaan Cabdilaahi Saylici, waxaanu ka hadlay khilaafkii shalay ee ergooyinka beelaha qaarkood, waxaan hadaladiisa ka mid ahaa “Waxa dhamaanteen farxad inoo ah in shirweynihii Kulmiye uu maalintiisii labaad galay, si habsami ahna u socdo dhamaanteena laynooga baahan yahay dulqaad iyo walaatinimo.”

Saylici oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaanu kale oo idinka raali galinaynaa shalay [doraad] arimo farsamo oo ergooyin ku dhacday haw badnaadeedn reer Awdal iyo Baligubade iyo beelaha kale qaarkood, waanu idinka raali galinaynaa.maanta waxaynu joognaa hadal yar iyo hawl badan, waxaan Alle ka rajyanayaa inuu shirkaas si wanaagsan inugu dhameeyo iyo in aynu dhamaanteen isa saamaxno hadii aynu reer Kulmiye nahay ayaan codsanayaa afkaartana waa lagu kala duwanaan karaa oo ceeb maaha, waxa laga yaabaa in nin shan farood arko marka gacan la taago midna sadex farood, waxaynu ka raacaynaa laakiin danteena guud.”

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa doorashada hogaanka xisbiga Kulmiye kadib isaga oo ku hadlaayay afka hoggaanka waxa uu u mahadnaqay ergooyinkii doortay, waxaanu halkaas ka sameeyay balan qaadyo, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Aniga oo ku hadlaaya afka hogaanka xisbiga Kulmiye waxaanu aad iyo aad idiinka mahadnaqaynaa inaad na karaamayseen oo aad na sharafteen,anaga  oo aan shantii sano ee aanu idin  hogaaminaynay, aanan odhanayn waxaanu ahayn ceeb ka saliin, oo aanan odhanayn howshayada boqolkiiba boqol ayaanu qabanay, intii hawl aanu soo qabnay hadii aad nagu karaamayseen oo aad tidhaahdeen maantana idinkaanu idiin garanaye wada, aad iyo aad ayaanu idiinka mahadnaqaynaa.”

Gudoodmiye Muuse oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaanu hubnaa lixdayadaas aad xilka saarteen in intiina halkan fadhida iyo inta aad wakiilka ka tihiin in aanaan ahayn kuwii ugu fiicnaa, in aanan ahayn kuwii ugu fariidsanaa iyo in aanan ahayn kuwii ugu halganka badnaa xisbiga Kulmiye, waxaanu hubnaa inay idinku jiraan boqolaal rag iyo haweenba leh oo anaga hawshaas nagaga fiicnaan lahaa, laakiin hadaad culayskaas na saarteen mar labaad ayaanu idiin mahadnaqaynaa. Waxaanu halkan ka balan qaadaynaa sidaas aad noo karaamayseen inaan idiin karaamayno, oo aanu noqono hogaan maqla xisbiga golahiisa dhexe,fulintiisa iyo taageerayaashiisaba oo u hogaansama sharciyada xisbiga.”

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday Muuse Biixi, balanqaadyo uu shirkaas ka soo jeediyay“Waxaanu balan qaadaynaa inaan ku dhaqano mabaadiida xisbiga ee aas aasiga ah ee ina kulmiyey, ee aynu ku midaysanahay, oo ah qaranimada Somaliland oo wax walba aynu ka horaysiinayno,midnimada dadkeena, horumarinta dadkeena iyo walaaltinimadeedna oo ah waxaynu Kulmiye ku aasaasnay, balan ayaanu idiin qaadaynaa inaanu mudnaanta koowaad siino.waxaan u hogaansamaynaa dastuurka Jamhuuriyada Somaliland iyo dastuuka xisbiga Kulmiye, go’aanada golaha dhexe iyo talo soo jeedinta reerkulmiye ay soo jeediyaan iyo dalkoo dhan.”