Gudoomiyihii Xidhiidhka Kubada Cagta Soomaaliya Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Published on Aug 18 2017 // Ciyaaro

 

 

 

 

Gudoomiyihii guddida garsoorayaasha xidhiidhka kubada cagta ee dalka Soomaaliya  Cismaan Jaamac Diraac ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

 

 Marxuun Cismaan Jaamac Diraac ayey dablay hubaysani dileen ka dib markii uu ka soo laabtay masaajid uu ku tukaday salaadii cishaha oo ku yaala degmada warta Nabada ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa goor dambe tagay goobta uu ka dhacay dilku, iyada oo kooxdii dilka gaysatayna ay ka baxsadeen.

Marxuum Cismaan Jaamac Diraa ayaa qof si weyn looga yaqaanay gobolka Banaadir isla markaana ku suntanaa ciyaaraha kubada cagta,  isaga oo inta badana dhex dhexaadin jiray ciyaaraha adag ee ka tirsan horyaalka
 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!