Gudomiyaha KULMIYE Oo Ka Qaybgalay Furitaanka Dhisme Lagu Kordhiyey Dugsiga Sare Ee Suldaan Maxamed

0
810

Hargeysa (Geeska )- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbigal-xaakimka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay furitaanka afar fasal oo lagu kordhiyey dugsiga sare ee Suldaan Maxamed Suld. Faarax oo ahaa suldaankii nabadda Somaliland, kaas oo laga hirgeliyey xaafadda Masallaha ee koonfurta Hargeysa.

Dugsigan oo ah mid dawli ah oo ardaydii u horreysay lagu bilaabay sannadkan, laguna dhisay dadaal ay sameeyeen dad muwaadiniin ah iyo Wasaaradda Waxbarashada, waxa afar fasal oo dhismihiisu ahaa hore u dhisay hay’adda caalamiga ah ee NRC oo arrimaha waxbarashada kala shaqaysa Wasaaradda Tacliinta, halka afar cusub oo lagu kordhiyeyna ay dhistay shirkadda ganacsiga waddaniga ah ee keenta Caanaha qasacadaha ee la yidhaa Anchor.

Xaflad furitaanka dhismaha dugsigan oo la qabtay maanta, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha KULMIYE iyo madax kale oo ka tirsan xisbiga, Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Veronique Lorenzo, Wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, xubno kale oo wasiirro ah, marti sharaf kale iyo ardayda wax ka barata dugsiga, taas oo sidoo kalena lagu dhagax dhigay dhismaha xayndaabka (deyrka) dugsigan sare oo cabbirka dhererkiisu yahay 174 mitir, ballaciisuna dhanyahay 90 mitir iyo weliba qalabaynta afar fasal oo ka mid ah dhismaha hore ee dugsiga iyo weliba qalabaynta afarta fasal ee cusub oo guud ahaan kharashka ku baxaya uu ku deeqay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, ayaa si wayn ugu mahadceliyey Guddoomiye Muuse Biixi waxtarta uu ku darsaday dhismaha dugsigan ee aha dhismaha xayndaabka iyo qalabaynta afarta fasal oo ay sheegeen inay tahay hawl baaxadeeda leh oo ay ku baxayso lacag dhan $60,000 (lixdan kun oo dollar), waxaanay Ilaahay uga baryeen ka abaalmariyo wanaagaasi uu gaystay.

Guddoomiye Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey xafladda waxa uu bogaadiyey cid kasta oo gacan ka gaysatay dhismaha dugsigan, isagoo iftiimiyey muhiimada waxbarashada iyo horumarinta dugsiyadu leedahay, waxaannu kula dardaarmay da’yarta ku foogan waxbarashada inay dadaal badan sameeyaan oo ay soo kordhiyaan aqoon ka qaybqaadata horumarka Somaliland.

Md. Muuse Biixi oo tusaaleyaal uu u hogotusaalaynayey ardayda siinayey, waxa uu yidhi, “Nolosha waxa dhab ah qofku haddaanu guusha seegin marka hore in aannu guul gaadhayn oo wax la yidhaa ‘guuldarradu waa bilowga guusha,’ tusaale; ninkii sameeyey laydhka laamabadaha aynu iftiinsanno waxa la yidhi ilaa boqol iyo dheeraad jeer ayuu ku guuldarraystay inay u hirgasho, kii dawooyinka soo saaray la mid buu ahaa, ninkasta oo wax soo saarayba sidaas ayuu ahaa, Madaxweynihii ugu waganaasanaa Maraykanka ee addoonta xorreeyey ee buugaagtiisa badan la akhriyo Abraham Lincoln tallaabo uu qaado oo aannu saddex jeer ku saaqidin may jirin, dugsiga saddex ilaa afar jeer buu dhacay, tii jaamacadda wuu dhacay oo inta uu noqday ayuu ku guulaystay garyaqaano, ganacsi buu galay oo uu kacay, xildhibaan buu u tartamay oo wuu dhacay, haddana uu ku noqday oo helay, markii dambena madaxweynenimo ayuu ku guulaystay, kadibna wuxuu noqday Madaxweynihii adduunka u fiicnaa. Innaga ragga taariikhdaas soo galay waxa ka mid ah Cali Sugulle oo intay is-dileen macallinkii dugsiga u dhigayey, waxaannu noqday maanta ninka ugu cabqarisan ee faylasoofka ee la wada dhegaysto, waxa kaloo ka mid ahaa Qaasim oo dugsiga ka tagay isagoo yar. Markaa ardaygu haddii uu imtixaanka ku dhaco oo uu noloshiisaba naco waa ayaan-darro, haddaad maanta dhacdo waxa guulaysanaysaa berri ama ta ka dambaysa.”

Waxa kaloo uu kula dardaarmay dhallinyarada inay maanka ku hayaan in reer Somaliland wax walba iyagu qabsan karaan iyagoon cid kale baryin, isla markaana waxa uu ku booriyey inay ka fogaadaan aafooyinka saameeyey qaybo ka mid ah dadka, “Waxaan idinkula dardaarmayaa da’yartaay in aydaan ku dayan da’dan iminka joogta ee aad u cunta Qaadka, hay’adahana barya, muranka badan, qabiilkana ku faanta,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.