Gudida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Wakiilada Oo Soo Bandhigay Cadaymaha Musuqmaasuq Ay Ku Eedeeyeen Wasiirkii Hore Ee Hawlaha Guud Iyo Madmadowga Dul Hogganaya Shirkado

107
8959

Hargeysa (Geeska)-Guddida Ilaalinta Hantida  qaranka ee Golaha Wakiilada, ayaa soo bandhigay madow badan oo musuqmaasuq oo dul hogganaaya wasiirkii hore ee hawlaha guud Cali Xasan Maxamed iyo shirkadda  Barako Construction oo qaadatay dhismaha xabsiga Burco kaas oo ay ahayd inuu dhammaado muddo laba sanadood ah gudahooda se sanad muddo dhaafay. Guddiga ilaalinta hantidda qaranka ayaa iyagoo isku dhan waxay shirjaraa’id oo jawaab ah ku qabteen magaalada Hargeysa.

Wasiirkii hore ee hawla guud Cali Xasan ( Cali Mareexaan) ayay gudidu sida oo kale soo bandhigeen in lacag ku dhaw afar boqol oo kun oo doolar aan lahayn qaabkii ay u baxday marka la eego warqadii uu qoray oo isku xigsiinaysa qiimo dhimis iyo lacag dad la siiyay. Warqadda uu wasiirkii hore ku saxeexnaa oo ay guddigu saxaafadda u soo bandhigtay ayaa u dhignayd sidan “Hadaba anaga oo fulinayna amarka madaxweynaha JSL kaas oo ah in dhulkaas loo wareejiyo shirkada Dahabshiil lana qiimeeyo waxii uu noqdana lagu bixiyo kharashka dhismaha xabsiga Burco. Dhulkaas oo dhinac walba ka xidhan oo dhismayaal ku xeeran yihiin cabirkiisuna yahay 103×30 waxa lagu qiimeeyay 103x30x300=$927000 waxa dawlad ahaan Discount loogu sameeyay $350,000 oo ah 35% lacagtii lagu raray dadkii deganaa, waxa shiradu dhismaha xabsiga lagu wareejiyay 577000 oo doolar.”

Lacagan ayaa uu wasiirku isla qoraalka warqadan ay gudidu soo bandhigeen ku tilmaamay in 350 kun oo doolar ay yihiin qiimo dhimis, isla qoraalka ayuu hadana ku sii raaciyay in lacagani ay ku baxayso rarida dadka meesha deganaa oo ay gudidu sheegeen in shirkada Dahabashiil ay gaarkeeda ugu samaysay dhismayaal ay u guuraan.

Gudida ilaalinta hantida qaranka ayaa sida oo kale sheegtay inay hayaan cadaymo ku filan musuqa ay tilmaameen haddii loo baahdona ay maxkamada eedahan ay soo jeediyeen ay ka difaaci doonaan.

Guddoomiyaha gudida ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilada Xildhibaan Naasir Cali Shire, ayaa ku soo noqday inuu sharaxaad ka bixiyo madawga ku jira shirkada dhisaysa xabsiga Burco iyo lacagta shirkada Dahabshiil lagaga iibiyay dhulka laynka boolayska, waxaana isaga oo qoraalkan warbahainta u soo bandhigaayay uu yidhi “Qarankani xisaab xidh buu leeyahay, oo sanad walba Hanti-dhawraha guud soo saara,waxaanu xisaab xidhku ka soo unkamay miisaaniyadda qaranka ee isla golahani ansixiyo, miisaaniyada qaranka marka la ansixiyo, ee sannadkaas lagu talagalo,in Hay’addaha dawladda iyo Wasaaradda Dawladdu inay kharash gareeyaan,waxaanu Guddida shaqadeedu ka mid ah in aanu dabagalno kharashaadkaasi meeshii loogu tagalay ma galeen, ama ma gaadheen, waxa ILLAAHAY mahadii ah in aanu sannnadkan ku guulaysanay, in xisaab xidhkii 2016, in aanu badka soo dhigno, meelihii aan wixii loogu tagalay lagu qabanin, hore ugamay dhici jirin, marka qof mashruuc loo dhiibo cid ka daba tagtaa, laakiin maanta waxaanu ku guulaysanay in aanu indhahayga ku soo eegno lugahaygana ku tagno, mashruucii ma la fuliyey  mise lama fulin”.

Mar uu ka hadlaayey Jeelasha Boorama iyo Burco ayaa yidhi “Waxaan doonayaa in aan is dultaago laba meelood, waa labada Jeel, waa Jeelka Boorama iyo Jeelka Burco, halkan waxaan ku hayaa oo aan doonayaa inaad ila wadaagtaan Guddida Qandaraasyada Qaranku waxay heshiis la gashay Shirkadda loo yaqaano Barako Construction, waxayna kula gashay laba sanno oo kaliya, in lagu dhammeeyo, heshiiskaasi wuxuu dhacay 17 bishii sagaalad 2015, maantana sannadka la marayo waad arkaysaan, su’aasho waxa weeye maxa ku dhacay Barako Construction, inay dhamaystiri weydo xilkii loo igmaday, waxa kale oo meesha ku jirta lacagayawgii loogu talagay in lagu fuliyo mashruuca, oo 1.5 million ahaa, oo heshiiskan ku qoran, oo ah heshiiskii ay la gashay Wasaraadda Caddaaladu, wuxuu noo sheegay Wasiirka Caddaladu,maalintii ay heshiiskaas galeen in 100 million inay u dhiibeen oo ay farta ka sareen, waxa kale oo aanu soo ogaanay in xisaab xidhkii 2016, in laba jeer lacag la siiyey, waxa kale oo aanu soo ogaanay oo mashruuca Jeelka Burco nala galay arinta Laynka Bilayska Hargeysa, waana ta keentay in Wasiirkii Hawlaha Guud, meesha soo galo, markii hore Guddidu ugamay talagalin inay soo baadho oo shaqadooda may ahayn in Wasiiradii hore baadho, ee badhistii Jeelka Burco, ayaa nala gashay arinta, markii aanu ogaanay in 477 loo gudbiyey, oo iyagu noo sheegeen, oo aanu nidhi halkaad ka keenteen, Dahabshiil baan na siiyey, ayey yidhaahdeen, Dahabshiilna halku ka keenay, waa Layanka Bilayska, yaa iibiyey Laynka Bilayska ee Hargeysa, waxa iibiyey Wasiirka Hawlaha Guud, waxaan doonaya in aan halkan ka caddeeyo 2015 haddii la idin dhiibay oo 577 aad qirateen in la idinku wareejiyey, Wasiirku uu idin sheegay inuu boqol kun idinku wareejiyey, waxaanu weydiinaynaa Barako Construction maxaa mashruucaas loo dhamayn waayeey, waxa kale oo aanu ka rabnaa lacagta ay ilaa imika ka qaateen qaranka waa ilaa imisa, maxay u caddayn la yihiin”.

Xildhibaan Naasiir Cali Shire mar uu ka hadlaayey iibka Layanka Bilayska ayaa yidhi “Arinta Laynka Bilayska waanu ka daba tagnay, markii horena badhista si fiican baanu u sii sameeynay, waana taas warqadii waxa qoray Wasiirka Hawlaha Guud, Ex Wasiir Cali Xasan, warqadaas gacantiisa ayuu ku qoray,Hay’addaha Dawladda ayuu u qoray, wuxuu u sheegay oo waliba ay tahay og og og, in Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), in lacag la siiyo Jeelka Burco, waxa ku taala inuu Madaweynuhu igu amray in aan arintaas soo qiimeeyo wixii ka soo baxana lagu bixiyo kharashka dhismaha Xabsiga Burco, intaas waxa raacday dhulka markii la iibiyey sida ku cad warqada, cabirku wuxuu ahaa 103×30, oo halkii mitirna lagu iibiyey 300 doolar, markaas lacagtii waxay noqotay 927 kun oo doolar, wuxuu Wasiirku halkan ku caddeeyey waxa Dawlad ahaan qiimo dhimis loogu sameeyey 350 kun oo doolar, wuxuu xagga dambe kaga daray, lacagtaas waxaanu ugu talagay in lagu raro dadkii deganaa, isaga masuuliyad saaran maaha, hantida dhulka qaranka marka uu iibiyo, waa   inay khasnada dawladda ku dhacdaa, dabadeedna dawladdu cidda ay markaas ka rarayso meesha ka rartaa, inkasta oo aanu ka war hayno in Dahabshiil dadkii halkaas deganaa uu Guryo u dhisay, anagu waxaanu daba soconaa lacagta ahayd 927 kun ee doolar, baan ka bixiyey 350 kun oo doolar,oo qiimo dhimis, ah, haddii ay Guddidu soo eedayso qof macnaheedu maaha waa danbiile, ee Hay’addaha Garsoorka ayey u taala, ee qofku waa inuu is dejiyaa, qaylo mashaakil iyo in dad la kiciyo looma baahna, ee waxa loo baahan yahay inuu qofku is dejiyo oo marka ay Hay’addaha Garsoorku u yeedhaan uu ka jawaabo isaguna caddaymihiisa meesha geysto”.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Jeelka Boorama Shirkadii loo dhiibay, waxa hadal ah kamaan maqal, waxaana warbixintaydii ku caddayd in Jeelkii Boorama wali qabyo yahay, oo cid kastaaba og tahay, waxaana shirkadda iyana ka rabnaa inay caddayso waxay u dhamaystiri weyday heshiiskii Jeelka Boorama”.

Sida oo kale xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo ka tirsan guddida Ilaalinta hantida qaranka oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa yidhi “ Waxaanu la soconaa guddida sida magaceeda ka muuqata inay baadhitaan ku sameeyso, isla markaana hubin iyo daba gal ku leedahay qof kasta iyo cid kasta iyo xil kasta oo uu hayay ama imika ha hayo ama hore ha u hayee, ama wasiir hore ha ahaado ama wixii kale ee la mid ah, shakhsi kasta iyo masuul kasta oo hanti qaran maamuli jiray, ama imika maamula guddidu waxay ku sameeysaa daba gal iyo hubin, habka uu u maamulay hantida qaranka, waana shaqada Guddida loo igmaday, awoodaheedana waxa ah markay soo ogaato ee ay soo aragto inay Guddidu u soo gudbiso Barlamaanka, Barlamaanku dabadeedna uu talaabo waajibaadkiisa ah ka qaato,ugu danbayntana waxay u gacan gasha Hanti-dhawraha, fulinteeda u dambaysaana laamaha amniga, garsoorka iyo maxkamadaha ayey tagtaa oo iska leh, barlamaanku cidna ma soo xidho, cidna awood kalema uma laha, talaabo kalena uu ka qaado”.

Guddoomiye ku xigeenka guddida ilaalinta hantida umadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Guddidu waxay u xilsaaran tahay, meel kasta oo hantida qaranku taal, ay soo kormeerto, oo u baxdo, waxaan runtii aan xasuusta markii u horeeysay, ee aanu Xisaab xidhkan Golaha hor geysnay, inuu Goluhu ku qanci waayey markii hore, waxay nagu kaliftay in aanu goboladii aanu u baxno, oo wixii aanu meesha lagu soo qoray aanu hubino, oo siday ay waxaasi yihiin soo taabano, runtii safar dheer baanu ku baxnay, waxaanu tagnay Gobolka Togdheer, ilaa Boorama, meel kasta oo aanu baadhaynay, waanu soo hubinay, guddidu si guud ayey waxan u soo qortay, maaha ujeedo cid gaar ah la bartilmaameedsanayo. xittaa hal magac kuma yaalo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here