Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa Oo Shalay Ku Geeriyooday Shil Baabuur

0
701

 

jamaacadaHargeysa(Geeska)-Alle haw naxariste waxa shalay cisbitaalka Berbera ku geeriyooday guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa Marxuum Muuse Cabdi Cilmi Samatar, oo uu shalay baabuur kula gadoomay jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa.

Marxuum Muuse, ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaadhay shilkaas baabuur, waxaana dhaawaciisa loola cararay cisbitaalka Berbera halkaas oo uu markii dambe ku geeriyooday. Marxuumka ayaa Berbera u tagay soo dhawaynta qoyskiisa oo ka soo guryo noqday dalka dibadiisa. Alle haw naxariisto Marxuum Muuse Cabdi Cilmi, umadda Somaliland-na samir iyo iimaan ha ka siiyo. Waxaana la filayaa in Marxuum Muuse Cabdi Cilmi, maanta si heer qaran ah loogu aaso magaalada Hargeysa.

Bahda Geeska Afrika Media Center, waxa ay tacsi u dirayaan dhammaan ardayda jaamacadda Hargeysa, asxaabta iyo qaraabada uu ka geeriyooday Marxuum Muuse Cabdi Cilmi.