Guddoomiyihii Hore Ee Xidhiidhka Kubada Cagta Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Dhaqaale Loo Huro Ciyaaraha Kuna Taliyey In Olombikadii Qaranka La Sameeyo

Published on Feb 13 2017 // Ciyaaro, Warar

Guddoomiyihii hore ee Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Cabdilaahi Khayre Cawaale (Gacal), ayaa ka hadlay xaalada ciyaareed ee dalka Somaliland iyo caqabadaha haysta, waxaanu sheegay in tartan la’aanta iyo ciyaar la’aanta dalka ka jirta ay ugu wacan tahay dhaqaale la’aan, waxaanu tilmaamay in Wasaaradda Ciyaaruhu intii tamarteeda ah ay dadaalayso, balse Xukuumadda looga baahan yahay inay Ciyaaraha dhaqaale u hurto.

Guddoomiyihii hore ee Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Cabdilaahi Khayre Cawaale (Gacal), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Ciyaaraha ee Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhada kala duwan ee Ciyaaraha, waxaanu ku taliyey in la sameeyo Olombikada Qaranka, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waxa dhab ah in Wasaaradda Ciyaaruhu intii tamarteeda ah dadaalayso, oo aanay waxba ka hagraynayn Ciyaaraha, oo waxaynu ogeyn sidii quruxda badan ee ay u qabatay Tartankii Koobka Gobolada Somaliland, oo xil dheeraad ah iska saartay, inkasta oo hadda abaar adagi dalka ka jirto, haddana sideedaba Ciyaaruhu waxay u baahan yihiin dhaqaale aad u badan, inkasta oo hadda abaar adagi dalka ka jirto, oo gurmadkaas abaaraha lagu jiro, oo walibana aynu ognahay Somaliland aan  la aqoonsan haddana booskii FIFA waxa ku jirta Dawladda, waxaana looga baahan yahay Dawladda inay Ciyaaraha u hurto dhaqaale si tartano loo qabto Ciyaaruhuna xiiso u yeeshaan”.

Guddoomiyihii hore ee Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland mar uu ka hadlaayey xidhiidhada Ciyaaraha ayaa yidhi “Imika Xidhiidho Ciyaareed ayaa jira, Xidhiidhaduna si fiican bay xilkooda u gutaan, waxaana ogahay in Xidhiidhkii Kubada Cagta ee anaga na bedelay inay si fiican hawsha u wadaan, laakiin waxa haysta caqabadaha anaga na haystay oo ah Dhaqaale, markaas waa in Dhaqaale loo raadiya, si guud ahaan Ciyaaruhu inoogu hagaagaan”.

Guddoomiyihii hore ee Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland mar uu ka hadlaayey Olombikada Qaranka ayaa yidhi “Olombikadu waa shabakada isku xidha ee ay hoos yimadaan Xidhiidhadu, Olombikada oo aan jirina Xidhiidhadu si fiican uma shaqeeynayaan, oo iyagoo dadaalaya ayey haddana wax ka dhinaanayaan, ee waxaan ku talin lahaa in Olomikada Qaranka la sameeyo, laba siyaabood ayaana lagu sameeyn karaa mid waa inuu Madaxweynuhu soo magacaabo, midina waa inay Xidhiidhadu doortaan, markaas waa muhiim in la helo Olombikada Qaranka”.

 

 

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!