Guddoomiyihii Hay’adda La Dagaalanka Musuq Oo Is Casilay

0
779

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyihii Hay’adda Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Somaliland Axmed Muxumed Madar, ayaa habeen hore ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii, maalmo uun ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo jeediyay khudbad hanjabaad ah oo ku saabsan la dagaalanka musuqa iyo maamul wanaaga.

Axmed Muxumed Madar oo Shir Jaraa’id Warbaahinta qaarkeed ugu qabtay Guriga uu ka deggan yahay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in uu u dul-qaadan kari waayey waxa socda iyo sida aan diyaarka loogu ahayn hirgelinta Shuruucda iyo hawlaha lagula dagaallamayo Musuqmaasuqa, waxaanu yidhi “Haa. Xilkaas waan iska Casilay, sababtunna waxay muddo hadda laga joogo toddoba sannadood ayaan hayay Xilkaas, ilaa wakhtigaas iyo hadda waxaannu ku jirnay hawl-gal, markaa waxaannu darreensanayn Hay’addan magacowgeeddii, kaidb, inaan diyaar loo ahayn hawl-galkeeddii haddii ay Xukuumadda tahay iyo haddii ay Baarlamaanka tahay-ba. Hay’addii magacowday iyo Waaxdii Sharci-dejinta ee Xeerarkeedda ansixin lahayd, waxa nooga muuqatay rabitaan la’aan siyaasaddeed oo aanu is lahayn wax-baa laga qaban doonnaa oo is bedel ayaa la samayn doonnaa ayaa ah ta nagu keliftay inaanu xilligan gebo-gabadda ah is-casilaadan bayaamiyo.” Ayuu yidhi Axmed Muxumed Maddar.

Waxannu intaas ku daray “In badan ayaan ka gows addaygaayay, laakiin waxay soo gaadhay heer aan Xilkaas sii hayn kari waayo. Kulankii Madaxweynaha anigu (Guddoomiye), ahaan kamaan qayb-gelin, balse Afar xubnood oo kale ayaa ka qayb-galay, waxaan uga qayb-geli waayay-na waxay ahayd wakhtigii ku habboonaa ayaan la ii soo sheegin, waxaanna la ii soo sheegay iyaddoo uu kulankii ka hadhsan tahay Nusasaac, anigunna taas waan qaadan waayay.” Ayuu yidhi guddoomiyihii Hay’adda Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa

Mar uu Axmed Muxumed Madar ka hadlayey sababta uu uga qaybgeli waayey Shirkaas, waxa uu sheegay in 30 daqiiqo ka hor xilliga kulanku bilaabmay loo sheegay in Madaxweynuhu kulankaas isugu yeedhay oo Madaxtooyada uu ku sugayo, taasina aanay ahayn nidaamka dawladnimo, isaguna wakhtigaas hawlo kale uu lahaa oo aanu ka qaybgelin shirkaas, balse afar xubnood oo Hay’adda ka tirsani ka qaybgaleen.

Is casiladda Mr. Madar, ayaa dhirbaaxo ku ah madaxweyne Siilaanyo oo maalmo ka hor hay’adaha hantidhawrka, xeer ilaalinta iyo guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa amar ku siiyay inay la dagaalamaan musuqmaasuqa iyo maamul xumada.