Guddoomiye-xigeenka Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Ku Eedeeyay Lunsi Hanti Qaran Iyo Maamul Xumo Baahsan

0
657

Picture5Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa Xukuumadda ku eedayey inay si sharci daro ah u lunsato Hantida Umadda, isaga oo Tusaale u soo qaatay Xuskii Munaasibada 18-may, waxaanu tilmaamay inay Hanti aad u badan Xukuumaddu ku lumisay, Olole Xisbiga Kulmiye gaar u ahna ka dhigatay, waxaanu sheegay inay Xisbi ahaan iyagu baadhitaan ku samayn doonaan Hantidaas uu sheegay inay Xukuumaddu lunsatay.

 Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed ayaa isaga oo u waramaya Geeska Afrika waxa kale oo uu sheegay inay Xukuumaddani ku sifoowday Maamul xumo baahsan, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu kaga dhabeeyo Khudbadii uu ku soo qaatay Xuskii 18-may, waxa kale oo uu sheegay in Xukuumaddani aanay dan ka lahayn Aqoonsi raadinta ee Lacag ka soo urursato Wadamada dibada, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xukuumaddani waxa ay si toos ah u lunsanaysaa Hantidii Umadda ka dhexeeysa,waxaana jirta oo la wada og yahay in iyada oo Dalkeenu yahay dal curdin ah oo soo koraya, Beesha Caalamkana aan waxa aqoonsiya ka hayn, oo Tusaale ahaan Biyo la’aan baahsani iyo  Laydh la’aani Caasimaddii iyo Magaalooyinka kale haysato,oo Dhalinyaradii bilaa Shaqo tahay, Tahriibayaana, Waddooyin badana inaga qabyo yihiin, in haddana Hantidii Umadda la lunsanayo, taas oo aynu wada og nahay in Xuskii Munaasibada 18-may Olole khaas u ah Xisbiga Kulmiye laga dhigtay,oo Safaro dibada ah loo baxaya, iyada oo dad aad u badan oo iskugu jira Wasiiro, Wasiiro ku xigeen,Agaasimayaal, Xildhibaano iyo Taageeryaal aad u badan oo Kulmiye ahi ay Dibada qabteen, si ay lacag u soo urursadaan, Hantidii Umadda ka dhexaysana ku baxaan, waxaana hubaal ah in Lacagta safarkooda, hurdadooda iyo Cuntadooda ku baxaysa waxa ay ku haboonayd in lagu daro Waddada Ceerigaabo, oo wax badan ka tari lahayd, waxaana xaqiiqo ah in dadka ay ugu tagayaan Wadamada Qurbuhu aynu  ognahay halka ay Somaliland ka taagan yihiin, mana haboona in Hantida Umadda lagu takrifalo, si khaldana loo isticmaalo,Xisbina loogu ololeeyo, inaga oo ka warqabana in Maalinta Xuska 18-may lacag lagu soo urursado, Hantida Umaddana lagu baabiyo, Kulmiyena loogu ololeeyo, marka anagu Xisbi Waddani ahaan, waxa aanu baadhitaan ku wadnaa sida loo lunsaday Hantida  Umadda”.

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani, isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Maamul xumo baahsan ayey Xukuumaddani wadaa, waxaana run ah in Wasiirka Madaxtooyada uu dhawaan  dafiray Odeyaal Dhaqameedka Somaliya, in dalka uu keenay,  inaga oo ka warqabna inay Xukuumaddani martiqaad u fidisay, waxayna  guud ahaan Shacabka reer Somaliland wada  ogayeen heerka aanu ka taagnayn, waxa kale oo wax lala yaabo ah oo caddeynaysa in Xuska Maalinta 18-may, aanay aad uga dhex muuqan Xisbiyada Mucaaradka ah, gaar ahaan Xisbigayga Waddani, maxa yeelay Xukuumaddani nagumay soo casuumin, mariqaadna noomay fidin, waxaana waxa laga xishoodo ah in ay iyagu isku koobeen, waxaanan markaas Madaxweynaha leeyahay waa inaad kaga dhabaysa Khudbadii aad jeedisay Xuskii 18-may, ee aad lahayd waan qaadanaya wixii ay I soo jeediyaan Xisbiyada Mucaaradka ah, waa kale oo aanu mar  walba hiil iyo hooba la garab taagan nahay oo aanu jecel nahay in aanu Bulshadayda  u soo bandhigno wixii xaqiiqo ah ee jira”.

Guddoomiye  ku xigeenka Xisbiga Waddani oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya doorka xukuumadan ee dhinaca ictiraaf raadinta, ayaa yidhi “Xukuumaddani aad iyo aad ayey uga gaabisay, dhinicii Ictiraafka, maxa yeelay Xukuumaddii hore, ayaa aad uga sokeeysay,  sababtoo ah Xukuumaddani waxa ay meel walba iyo Wadan kasta oo ay tagto ka raadisa Lacag, kamana doonto wax Aqoonsi ah, Wasaaradda Arimaha Dibaduna aad ayey uga seexatay dhinicii Aqoonsiga, waxaana soo jeedin lahaa in Wadamada aynu jaarka nahay ee ina ogol sida Itoobiya laga bilaabo Aqoonsi raadinta”.