Guddoomiye-xigeenka Ururka U Doodda Qaddiyadda Ee Somaliland Oo Madaxweyne Siilaanyo U Soo Diray Warqad Luuqad Adag Ku Qoran Kana Hadlaysa Saxaafada

0
606

Picture7Hargeysa(Geeska)-Dr. Steve Kibble, oo ah nin u dhashay dalka Ingiriiska, ahna guddoomiye xigeenka guddiga Somaliland Focus UK, oo ah guddi madaxbanaan oo iskooda ugu doodda qaddiyada madaxbanaanida Somaliland kana dhisan dalka Ingiriiska, islamarkaana dunida u bandhiga horumarka dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland gaadhay, ayaa waraaq ku qoran luuqqad adag oo ka hadlaysa hagar daamaynta saxaafadda Somaliland u soo diray Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Dhambaalkan wuxuu si adag ugaga hadlayaa xayiraadda ay xukuumadda Somaliland saartay wargeyska Haatuf.

Warqadaas, oo uu Dr. Steve, Madaxweynaha u soo diray 10 April, islamarkaana uu nuqulo u soo diray saxaafadda, wuxuu Madaxweynaha ugu baaqay in la ixtiraamo xorriyadda saxaafadda iyo madaxbanaanida garsoorka, waxaanu u soo jeediyay in si dhab ah loo baadho eedaha musuqmaasuq ee uu Wargeyska Haatuf soo bandhigay. Dr. Steve, oo ahaa xidhiidhiyihii goob-jogayaashii caalamiga ah ee ka qayb galay doorashooyinkii Somaliland ee kala dambeeyay, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo qoraalkiisa ugu muujiyay sida uu uga xunyahay inuu afar bilood ka dib mar kale u soo diro dhambaal kale oo ka hadlaya ixtiraamka xorriyadda saxaafadda, isagoo wakhtigaas horena u soo diray dhambaal ka hadlayay Wargeyska Hubaal oo isna dawladda u xayiran. “Mudane madaxweyne; Waa arrin laga xumaado in aanu imikana mar kale warqaddan kaaga soo qorayno weerarkii dhowaan ay booliisku muddo aan cayinnayn ku xayireen wargeyska Haatuf iyo mataankiisa Ingiriisiga toddobaadlaha ah ku soo baxa ee Somaliland Times.” Ayuu ku yidhi Dr. Steve, warqada uu Madaxweynaha sida tooska ah ugu soo diray, waxaanu intaas raaciyay,  “Waa niyad jab weyn, inaanu kuu soo qorayno mar kale weerarkii u dambeeyay ee ay Boolisku ku xidheen, laguna xayiray Wargeysyada Haatuf iyo Somalilandtimes. Waxa ay u muuqataa inay ka mid tahay weeraro badan oo khatar ah oo lagu hayo madaxbanaanida saxaafadda Somaliland, taas oo u muuqata inay dhacdo marka ay saxafiyiintu qarxiyaan musuqmaasuq ka dhan ah masuuliyiinta dawladda, kuwaas oo marka dambena ay maxkamaduhu iyaga oo aan baadhis samayn ku andacooda  inay yihiin eedaymo been ah. Waxaanu ognahay oo taageersantahay warsaxaafadeedkii u dambeeyay ee uu ururka SOLJA ka soo saaray arrintan.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Dr. Steve, madaxweyne Siilaanyo ku yidhi, “Sannadkii 2013 waxaanu hagardaamada iyo cabsigelinta saxaafadda dhawr waraaqood uga soo qornay masuuliyiinta dawladda iyo adigaba. Si gaar ah, waxaanu u tixraacnay Wargeyska Hubaal, kaas oo xafiiskiisa Hargeysa la weeraray, shaqaalihiisii oo la xidhay iyo daabicistiisii oo la joojiyay. Labadan falba, waxa ay su’aal gelinayaan madaxbanaanida garsoorka, iyadoo ay jireen walaaca ah inaan labadan arrimoodba loo marin sharciga. Sidoo kale waxay ka soo horjeedaan distoorka iyo qaar ka mid ah guulaha adag ee ay Somaliland tan iyo xornimadeedii ka gaadhay dhismaha dimuqraadiyadda.”

Wuxuu Dr. Steve, hadalkiisa ku sii  adkeeyay oo uu Madaxweynaha u soo jeediyay inuu baadhis ku haboon ku sameeyo eedaha musuqmaasuq ee uu Wargeyska Haatuf, soo bandhigay, waxaanu yihi  “Iyadoo ay maalinta caalamiga ah ee saxaafadu ku beegantahay 3 May, waxaanu kugu boorinaynaa inaad xayiraadda ka qaado Haatuf iyo Hubaal, joojiso hagardamaynta iyo xabiska saxaafadda, eedaha musuqmaasuqna lagu sameeyo baadhis ku haboon. Dhacdooyinkan, iyo falalka soo taxnaa ee ay qaybta ka yihiin, waxa ay meel ka dhac weyn ku yihiin madaxbannaanida saxaafadda, ee uu dastuurka Somaliland sida cad u ilaalinayo.”

Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo, Dr. Steve  hogo tusaaleeyay doorka ay warbaahinta xorta ahi ku leedahay dhismaha dimuqraadiyadda, “Warbaahin xor ah iyo garsoor madax bannaani waxa ay muhiim u yihiin ka midho dhalinta iyo ka shaqaysiinta dimuqraadiyadda, waxa aanay kaalin muhiim ah ka qaataan soo bandhigista xaaladaha musuqmaasuq ee dhici kara.”

Ugu dambayn wuxuu Dr. Steve, sheegay in dhibaatooyinka saxaafadda lagu hayaa ay halis gelinayaan sida ay ugu doodaan aqoonsiga Somaliland, “Sidaa awgeed, waxa aanu mar kale ku celinaynaa qodobbadii aanu hore kaagala hadalnay oo keliya:  beegsiga saxaafaddu waxa uu saamayn cabsi badan ku yahay hab-sami u shaqaynteeda, waxa aanu u dhow yahay in ay ka dhashaan war tebin aan macno lahayn iyo cabsi ku qasabta in ay iyagu is faaf-reebaan. Tallaabooyinka ka dhanka ah warbaahinta ayaa u muuqda in ay boog laga qoomamoodo ku noqdaan maamullada Somaliland ee hore iyo haddaba, waxa aanay saamayn taban ku yeelanaysaa kartidayadii ku aaddanayd u hadlidda qadiyadda Somaliland.”

Isagoo hadalkisia sii wata wuxuu yidhi “Waxa aanu kugu cadaadinaynaa in adiga iyo dadka kale ee mindida daabkeeda hayaa aad dawo u raadisaan khatartan soo waajahday tiirkan lagama maarmaanka u ah dimuqraadiyadda, haddii kale waxa ay qiimo tiraysaa dhamaystirka geeddiga Somaliland ugu guurayso dimuqraadiyadda xisbiyada badan, oo aad adiga qudhaadu ballan qaadday, waxa ay sidoo kale fashilinaysaa qodob muhiim u ah is-iibinta Somaliland ay ku doonayso aqoonsiga caalamiga ah.”