Guddoomiye Saleban Oo Eedda Dib U Dhaca Doorashada Dusha U Saaray Madaxweyne Biixi, Faysal Iyo Cabdiraxmaan-Cirro

0
1231

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa sheegay in ay muddo kordhin u samaynayaan golayaasha dalka haddii marka uu madaxweynuhu qoraal ahaan si rasmi ah ugu gudbiyo.

Waxa uu guddoomiye Saleebaan eedda dib u dhaca doorashooyinka dalka dusha u saaray madaxweyne Biix iyo guddoomiyayaasha mucaaradka Faysal iyo Cirro Guddoomiye Saleebaan ayaa sidan ka sheegay barnaamijka waraysi uu la yeeshay Telefishanka Universal. Ugu horayn isagoo ka hadlaya dib u dhaca doorashada ku yimid wuxuu yidhi “Hadii doorashadu qabsoomi waydo waaryaahee dalku dawlad la’aan maayo haddii doorashadii qabsoomi waydayna waa la kordhinayaa,lakiin waxa waajib ah in doorashadda wakhtigeedii lagu qabto,hadda nimankii gudida doorashoooyinku waa kuwii yidhi laguma qaban karo wakhtigeedii oo duruufna sheegtay xilkii madaxwaynaha ayuu ku wareegay,laakiin anagu dhago uma lihin waxaas ay yidhaaheen gudida doorashooyinku,anagana waxa na xukuma Madaxwaynaha haddii uu yidhaahdo doorashadda wakhtigeedii kuma qaban karno markaas ayaa anaga qiil doodayadu,taladayadu iyo go’aan kayagu yaalaa”

Intaas waxa uu ku daray.”Anaga namay soo gaadhi wali madaxwaynaha ayaynu ka sugaynaa oo wakhti badani waa hadhay oo wax la leeyahay barito ayuu ku eeg yahay maaha,lakiin haddii uu barito madaxwaynahu yidhaaho mudadii lay qabtay doorashadii kuma qaban karo talana wuu soo jeedin waana khasab in la kordhiyaa,asxaab iyo ciddii waliba sidaas raali ha ku ahataa.”

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa dib u dhaca doorashadda waxa ku edeeyay saddexda xisbi qaran ee Somaliland.”saddexdooda ayaa ka masuul ah,madaxwaynahu xisbi ayuu madax ka yahay,Faysal xisbi ayuu madax ka yahay Cirro  isna xisbi saddexdooda oo isku duuban ayaa ka masuul ah dib u dhaca doorashadda.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here