Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Sheegay Inay Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Qolof-ridi Doonaan

37
3077

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahai Cirro ayaa sheegay inay gudo iyo dibadba xisbiga Waddani qolof ridi doonaan si ay doorashada ugu diyaar garoobaan.

Waxa uu guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu ku celiyay inay xilka doorashadu madaxweynaha dusha ka saaran yahay haddii la qaban waayana ay xisbiyadu ku baaqayaan in shir qaran dalka lagu qabto, waxaana uu sidan ku sheegay waraysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC, waxaana isaga oo doorashada ka hadlaayay uu yidhi “Qabashada xilka doorashooyinku waxa uu saaran yahay madaxweynaha, madaxweynuuna dalka kumuu qabsan inqilaab ee doorasho ayuu ku qabsaday markaas  hadduu gudan waayo waajibkii qabashada doorashada waxa noo qorshaysan in laga tashado arintaas.”

Guddoomiye Cirro oo la waydiiyay inay doorashadu dhankooda ka xanibantahay, iyo inay weli ku mashquulsanyihiin guul daradii doorashada waxa uu yidhi “Waxba kama jiraan oo Natiijadii doorashada waxaanu ku aqbalnay saacad gudaheed ama laba saacadood gudahood markii lagu dhawaaqay, makraas taasi halkaas ayay ku dhammaatay, arinta kale waxay ahayd in la badalo komishanka waxaanuna codsanay bishii saddexaad haddii la badali lahaana xiligan doorashadu si fiican ayay u qabsoomi lahayd bisha saddexaad 2019-ka, hasa yeeshee ilaa hadda way jiitamaysaa, markii ugu horaysay ee gudi doorasho la badalana maaha  Kulmiye laftigiisa ayaa codsaday 2009-kii maxkamad tagana lama odhan, madaxweynii xiligaas joogay Daahir Rayaale Kaahin waa uu kala diray si doorashadu u qabsoonto.

Cirro oo ka hadlaayay sabababta komishanka ay u diidan yihiin oo la waydiiyay waxa uu yidhi“Madaxweynaana waanu u qornay qoraal 14 bog ah garsoorkooda in aanan ku qanacsanayan uun nuxurku weeye.”

Cirro ayaa la weydiiyay in sababta ay u diidanyihin guddiga doorashada loo nisbayn karo inaanu weli Waddani ku qancin natiijadii doorashada, waxaanu yidhi  “Taas waxba kama jiraan,waa laba arrimood, go’aanka natiijada doorashadana waanu aqbalnay komishanka xisbigii ugu horeeyay ee soo jeediyay in la kala diro ma nihin, kulmiye ayaa soo jeediyay 2009 waan laga aqbalay.”

Ugu danbayntii guddoomiyaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay inay qolof ridi doonaan xisbiga Waddani, waxaanu yidhi “Haa, waanu wadnaa, dibadana waan imi gudahana waanu bilownay waanu wadnaa xisbiga waxaanu waxaanu ku samayn doonaa qolof-rid”

Cirro ayaa la weydiiyay in qolof ridka uu sheegay in xisbiga lagu samayn doono uu taaban doono hoggaanka iyo inuu isagu mar kale murashax yahay, waxaanu yidhi “Horta xilligii murashax lama taagna, shirweyne ayaa la qaban doona xisbiga u qorshaysan markaas srhieynaha ayaanu filaynaa isbedelku inuu ka yimaada hoggaanka sare haddii Alle ka dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here