Guddoomiye Baashe Oo Ka Hadlay Shirweynihii KULMIYE, Wada Hadalada Puntland Iyo Tabashada Beelaha Darafyada

0
671

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Md.Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka hadlay wada hadalo dhex maray Somaliland iyo maamul gobaleedka Puntland, isaga oo sheegay in xuduuda Somaliland ay tahay lama taabtaan.

Waxa uu Guddoomiye Baashe ka hadlay tabashada beelaha darafyada iyo sida ay doonayaan in madaxweyne Siilaanyo ay ugala hadlaan, isaga oo ugu danbayntii ka  hadlay khudbad sanadeedkii madaxweyne Axmed Siilaanyo u jeedin jiray baarlamaanka in aanu u soo gubin wali.

Ugu horayntii Guddoomiye Baashe Maxamed oo la waydiiyay sida uu u arko shirweynhii Kulmiye waxa uu yidhi“Shirkii Kulmiye waad ogaydeen guusha uu ku dhamaaday wax kasta halaga sheego oo muddo badan dib haw dhaco, caadada Kulmiye ayaa sidaas ahaan jirtay oo ilaa intii uu mucaaradka iyo muxaafidka ahaaba doodu sidaas ayay u jirtay, shirkii Burco waad ogaydeen oo sidaas oo kale ayay doodo u jireen, waa xisbi dimmuqraadi ah oo dad badan oo kala afkaar duwan ayaa ku jira, waana lays qabqabtaa laakiin caado waxa uu u leeyahay aakhirka  in laysku tanaasulo, oo waatii laysku wada tanaasulay, nin walibana hankii uu lahaa uu liqay si loo badbaadiyo xisbiga Kulmiye, markaas xisbiga Kulmiye caado ayuu u leeyahay in la yidhaahdo waa ay is haystaan.Hoggaanku doorashadii madaxweynaha iyaga ayaa hogaanka ahaa, doorashadii dawladaha hoosana iyaga ayaa ahaa, labada jeerna Kulmiye guul ayuu gaadhay,  markaas waxa laysku raacay in hogaanka maanta sidiisa lagu daayo, maadaama oo labada jeerba ay guul keeneen oo aanay keenin wax dhibaato ah, waxaanan rajaynaynaa in doorashada soo socotana ay guul keeni doonaan.”

Baasho oo la su’aalay in kalfadhigan furmaaya uu madaxweyne Axmed Siilanayo khudbad sanadeedkiisii ka jeedin doona waxaanu ku jawaabay“Golahu fasax ayuu ku jiray, waxaanu furmayaa Sabtida, golaha guurtiduna nala mid ayuu ahaa, markaas madaxweynaha ayaa laga sugayaa wakhtiga uu soo codsado, ilaa hadan nalaguma war galin, golahu marka uu furmo ayaa laga war sugayaa.”

Guddoomiye Baashe oo ka hadlaayay waxa ay ku saabsan yihiin wada hadalada Somaliland iyo Puntland dhex maray waxa uu yidhi“Wada hadaladaasi waa sidii aynu daris u ahaan lahayn oo aynu nabad ugu wada noolaan lahyn, xuduuda Somalilandna gorgortan ma laha, cid lagala hadlayaana ma jirto, wada hadalkuna maaha mid lagaga wada hadlaayo Sool iyo Xuduuda Somalilandtoona ee waxa laga wada hadlayaa waxa weeye in laba dawladood oo Somaliland iyo Somaliya ah oo daris ah oo is xaqdhawra la noqdo ee xuduud laga wada hadlayaa ma jirto, dadkuna haday daris yihiin nabadgalyo ayay ka wada hadli karaan, laakiin xuduudaha Somaliland cidna lagala hadli maayo oo waa lama taabtaan.”

Ugu danbayntii guddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo warbaahintu su’aashay sida uu u arko in beesha dhexe ay qabsatay inta badan kuraastii muhiimka ahayd ee xisbgi Kulmiye iyo hanaanka dawladnimadaba waxa uu yidhi “Cabashadu waligeed way iska jiraysaa,gobalada dhexe laftigoodana cabasho ayaa ka jirta, cabasho waanu qabnaa laakiin waa mid aanu dawlada Somaliland iyo madaxweynaheeda kala hadlayno, waxii aanu is leenahay way idinka maqan yiiin xaq ayaanu u leenahay inaanu sheegano, reer hebel maxaa loo siiyay ee reer hebel loo siin waayay maaha, gobalada dhexena waa majoorati, qolobana qolo ayay isku dhererisaa waxaanuna doonaynaa cida aanu la simanahay waxii ay qaateen inaanu helno, taasna madaxweynaha ayuun baanu kala hadlaynaa.”