Guddoomiye Baashe Oo Itoobiya Ugu Baaqay In Mag-dhaw La Siiyo Dadkii Gaashaamo Lagu Laayay

0
475

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay Weftigii Itoobiya ee dhawaan dalka yimid iyo dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Gaashamo ee lagu laayey dadkii maatida ahaa,waxaanu ku baaqay in dadkii waxyeeladu soo gaadhay mag dhaw la siiyo, waxaanu Dawladda Itoobiya ku booriyey inay baadhitaan dheeraad ah oo ku saabsan dhibaatadan dhacdayna ay sameeyso,isagoo sheegay in xidhiidh aad u wanaagsani ka dhexeeyo Somaliland iyo Itoobiya.

1

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax  oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatadii ka dhacday Dharkeen-geenyo, waxaanu xubno ka tirsan Golaha Guurtida oo iyagu shalay baxay u rajayey inay sida ugu haboon hawsha u galaan oo ay soo heshiiyaan labada beelood, isaga oo arimahan ka hadlayana wuxuu  yidhi "Guurtida waxaan u rajaynayaa inay kala dhex galaan oo ay heshiisiyaan Beelihii walaalaha ahaa, wax kasta oo ay ku qaadatana ilaa ay soo dhameeyaan inay joogaan, ayaan ku boorinayaa, dhex dhexaadnimadii ay sameeyn jireena inay u sameeyaan Beelahan ayaan kula talinayaa, ILLAAHAYNA waxaan ka rajanaynaa inay guul ku dhamaato, iyagana uu khayr uga dhigo bisha barakaysan ee Ramadaan, maxa yeelay iyagoo sooman ayey halkaas marayaan, si ay labadan beelood gacmaha iskugu soo saaraan, waana u sii ducaynayaa, ILLAAHAYNA waxaan ka baryayaa inuu ku asturo.

Labadan Beeloodna waa laba Beelood oo walaal ah, oo ehel ah, waxaana ugu baaqaya in wixii Guurtidaasi go'aamiso qaatan.dadkii dhintayna ILLAAHAY ha u naxariisto, dhiig dambena inuu daato dooni mayno maxa yeelay waa ka dhimay oo kugu dhimay".

Guddoomiye Baashe mar uu ka hadlaayey khasaarihii uu roobkii ka da'ay Hargeysa ayaa yidhi "Weftigu waa yimid, inaga iyo Itoobiyana waxaynu nahay laba dal oo walaalo ah, dhibaato weyn waa ay dhacday, marka muhiimadu waa in la baadho sidii ay wax u dhaceen, waana in dadkii wax ku dhaceen mag dhaw la siiyo, waxaasi inay dib u dhacaan maaha, maxa yeelay labada dawladood oo jaar ah ayeynu nahay, Dawladda Itoobiyana waxaan ka rajaynayaa inay baadhis aad ah sameeyso kadibna loo sheego dadka sidii ay wax u dhaceen".

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Wakiiladu Baashe Maxamed Faarax wuxuu ka hadlayey khasaarihii uu roobku sababay, waxaanu ku baaqay in dadkii waxyeeladu soo gaadhay in loo gurmado waxna la taro, waxa uu sheegay in waxa uu ALLE qadaro in aan marnaba la baajin karin balse haddana loo baahan yahay in la sameeyo feejignaan, waxaanu ILLAAHAY ka baryey madar khayr qaba,