Guddoomiye Baashe Iyo Mawqifkiisa Saamiga Qaybsiga Kuraasta Golaha Wajkiilada

0
541

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada  Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan saami qaybsiga Golaha Wakiilada ee aan wali xalka laga gaadhin, waxaanu sheegay in saami qaybsigu uu yahay arin talo qaran u baahan, waxaanu sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in Xisbiyadu go’aan lagu farxo iyo qodobo wanaagsan oo dalka iyo dadkaba dan u ah ka soo saaraan.

1

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada  Baashe Maxamed Faarax oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay geeridii ku timid ALLE ha u naxariiste Xildhibaan Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen  (Dhaadheere) iyo Garaad Abshir Saalax, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Saami qaybsigu waa arin qaran, oo u baahan talo qaran iyo wada tashi qaran, Madaxweynuhuna waa kii la kulmay Xisbiyada iyo Shir guddoonka Golaha Wakiilada, markaas Xisbiyada ayaa  la yidhi ka soo talo bixiya, oo aragtidiina iyo  qaabka ugu fiican ee suurtagalka ah ee saami qaybsiga noqonayo ka soo tashada, waxaana la filayaa in bisha sagaalkeeda ay si wada jir ah u soo saaraan warbixin ku saabsan saami qaybsiga, markaas waxaan filayaa kuna rajo weynahay in warbixin haboon oo lagu wada qanco oo dalka iyo dadkaba dan u wada noqota laguna wada farxo oo aanay cidina tabasho ka keenin inay si wada jir ah Xisbiyadu u soo saaraan”.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada  Baashe Maxamed Faarax ayaa mar uu ka hadlaayey Geerida ku timid ALLE u wada naxariiste Xildhibaan Dhaadheere iyo Garaad Abshir Saalax ayaa yidhi “Geeridu waa xaq, qof walbana uu dhimanaya, waxaana tacsi u dirayaa ehelkii, qaraabadii iyo Shacabka Somaliland ee ay ka baxeen ALLE ha u wada naxariiste Xildhibaan Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen  (Dhaadheere)  iyo Garaad Abshir Saalax, waxaana ALLE uga baryayaa inuu jannadii ka waraabiyo”.

Dhinaca kale waxa uu Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiiladu uu baaq nabadeed u diray beelaha Dharkeen-geenyo ee dagaalamay, waxaanu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, oo xabada joojiyaan, oo ergooyinka iyo dadka waan-waanta nabadeed ka dhex wada ay maqlaan.