Guddoomiye Axmed Cabdi-dheere Oo Ka Hadlay Qaban-Qaabada Shirka KULMIYE

0
1180

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi-dheere, ayaa ka hadlay Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee dhawaan ka dhici doona Magaalada Boorama.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi-dheere oo wareysi gaar ah Xafiiskiisa ku siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga ayaa yidhi “Hawshii si fiican bay inoogu bilaamantay, oo waad arkaysaan, kaadh qaadashadii ayaana bilaamantay, waxaana guud ahaan xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga ogeysiinaynaa in kaadhkii Shirka la qaadanayo, markaas inuu qof walba u yimaado oo uu u qaato ayaanu doonaynaa, Shirkana waa Shirweynihii lixaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, Burco ayaa hore loogu qabtay, Hargeysana waa lagu qabtay, doorkana Boorama ayaa lagu qabanayaa, insha allaah kuwa dambena Magaalooyinka iyo Gobolada kale ee dalka ayaa lagu qaban doonaa, Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah oo ka ah 23 iyo 24 bishan, ALLE ha u naxariistee cidii dhimatay ayaa boosaskoodii la buuxin doonaa, ciddii la bedelayna boosaskooda waa la buuxin doonaa, insha allaahna si milgo leh iyo gobonimo leh ayuu inoogu dhammaan doona Shirka Golaha Dhexe, inkasta oo Xisbiga Kulmiye aanu marnaba ka maarmin Shacabkiisa iyo Taageerayaashiisa, oo uu mar walba u baahan yahay, haddana Shirkani waa Shir u gaar ah xubnaha Golaha Dhexe, meel kasta oo ay joogaana waa inay yimaadan”

Mar aanu wax ka weydiinay aragtidooda ku waajahan Doorashada sannadkan la cayima iyo ismarin waaga Xisbiyada ee dhinaca komishanka ayaa ku jawaabay “Wada hadalo ayaa Xisbiyada u dhexeeyey, Xisbiga Kulmiye marnaba khilaaf muu abuurin, miiska wada hadalkana kamuu kicin, Xisbiga Kulmiye waa u diyaar inay Doorashadu dhacdo sannadkan 2019, ee cidda diidani waa inay ogolaata, Xisbiga Kulmiye oo ah Xisbigii taladda dalka hayey ma rabo inay doorashadu dib inooga dhacdo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here