Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Ciidammada Itoobiya

0
609

Jigjiga (Geeska )- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa ka qaybgalay xuska maalinta ciidammada dalka Itoobiya oo xaflad ballaadhan loogu qabtay magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya maanta, taas oo si rasmi ah loogu martiqaaday.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa ku qaabilay madasha lagu qabanayo xafladda Madaxweynaha dawladda Federaalka Itoobiya Mudane, Mulatu Teshome, Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Md. Cabdi Maxamuud Cumar, Taliyaha Ciidamada Difaaca Itoobiya Gen Samore Yonis iyo madax kale oo badan, kuwaas oo u qaabilay si heer sare ah.

Weftiga Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa xubno ka ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Itoobiya Amb. Ayaanle Salaad, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Jig-jiga oo si rasmi ah loogu martiqaaday waxay is arkeen madax kala duwan oo ay ka wadahadleen arrimaha iyo danaha labada shacab ee Somaliland iyo Itoobiya.

Ka hor intii aanay weftiga uu hoggaaminayo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi Imanin magaalada Jig-jiga waxa ay kulamo heerkooda sarreeyo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kulamo kula yeesheen Ra’iisal-wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, iyada oo si gaar ah diirrada loo saaray xidhiidhka labada waddan.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa la filayaa inay maalmaha foodda inagu soo haya ku soo guryo-noqdaan dalkooda hooyo oo ay muddo kooban ka maqnaayeen, isla markaana bulshada uga waramaan nuxurka kulamadii ay madaxda Ethiopia la qaateen iyo waxa ay dhinacyadu isla meel dhigeen.