Guddoomiyaha Shirkadda Indho-Deero Oo Sucuudiga Kula Kulmay Ganacsato Caan Ah

0
619

Picture3Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Guud ee shirkadda waddaniga ah ee Indho-dheero Group Md Mustafe Cabdi Cawad oo socdaal shaqo ku jooga dalka boqortooyadda Sucuudi Carabiya ayaa halkaasi kula kulmay tijaar waawayn oo dalkaasi u dhalatay, isla markaana ka ganacsata xoolaha nool ee ka soo dhoofa dhulka Soomaalida gaar ahaan dekadda magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Guddoomiyaha shirkadda Indho-doore Mustafe Cabdi Cawad ayaa waxa uu magaaladda Jidah kulamo kula yeeshay ganacsato waawayn oo u dhashay dalka Sucuudiga, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Caadil Al Xarbi oo ah tijaar ka ganacsada xoolaha Soomaalida isla markaana ah wakiilka shirkadda Indho-deero Group, waxa kale oo uu Guddoomiye Mustafe sidoo kale la kulmay ganacsadaha caanka ka ah gayiga Soomaalida, una dhashay dalka Sucuudiga kana mid ah ganacsadata ku xidhan Maxjarka Shirkadda Indho-deero Mr Abu-Yaasir.

Sidoo kale ganacsatadan Carbeed ee magaaladda Jidah ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Shirkadda Deero Md Mustafe Cabdi Cawad ayaa iyagu ku guulaystay sanadkan inay Bangiga Islaamka ka iibiyaan xoolaha  Xajka ee sanadkan ayaa sheegay inay xoolaha ugu badan sanadkan ka soo dhoofin doonaan magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Dhinaca kale Ganacsadaha Sucuudiga ah ee Abu-Yaasin oo isaguna halkaasi kalmado kooban ka yidhi ayaa sheegay inuu aad  ugu faraxsan yahay inuu dalkiisa ku soo dhaweeyey guddoomiyaha shirkadda Indho-deero Group Mustafe Indho-deero, kaas oo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya shirkadda Indho-deero Group, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay inay sanadkan magaaladda Berbera si wada jir ah uga dhoofin doonaan xoolo aad u badan.