Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Digniin Dul Dhigay Laba Garsoore Oo Ka Dhex Muuqday Ololaha Xisbiga KULMIYE

0
912

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee JSL Md. Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa digniin kama dambays ah dul dhigay laba garsoore oo ka tirsan maxkamadaha Hargeysa iyo Gabiley oo la arkay iyagoo ka qayb ah ololaha xisbiga kulmiye  ee talada dalka haya. Labada garsoore ayaa kala ah Idiris Maxamed Muxumed oo ah garsoore maxkamadda gobalka Maroodi-jeex iyo Maxamed Maxamuud Xirsi oo isna ah garoosre maxkamadda gobalka/degmada Gabiley.

Guddoomiye Aadan ayaa qoraal uu u diray labadan garsoore  shalay oo nuxurkiisu ahaa digniin kama dambays ah oo uu Geeska Afrika helay nuqul ka mid ah waxa uu u qornaa sidan “Waxa jirta inaad siyaasadda xisbiyada ku milanteen gaar ahaan xisbiga KULMIYE la idin kana dhex arkay, iyadoo ay mamnuuc tahay in aanay garsoorayaashu dhex gelin arrimaha siyaasdda ee xisbiyada qaranka.

Sidaas daraaaeed waxa la idin siiyay digniin kama dambays ah, haddii mar labaad arrintan oo kale soo noqotana waxa la idinka qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan.”

Geesta kale waxa uu guddoomiyaha maxkamadda sare soo saaray wareegto dhammaan guddoomiyayaasha maxkamadaha rafcaanka gobalada iyo degmooyinka dalka ka mamnuucaysa in shaqaalaha garsoorku ku dhex milmaan siyaasadda. Qoraalka ayaa u qornaa sidan, “Waxa lala socodsiinayaa dhammaan guddoomiyayaasha, garsooreyaasha iyo hawlwadeenada garsoorka JSL inay mamnuuc  tahay inay ku milmaan siyaasadda xisbiyada qaranka.

Sidaas darteed, waxa la idiinka digayaa in aad dhex gashaan siyaasadda xisbiyada qaranka, cidii dhex gashana in talaabo sharci ah lag qaadi doono.”