Guddoomiyaha KULMIYE Oo Khudbad Iftiiminaysa Himilada Iyo Hiigsiga Xisbiga Ka Jeediyey Xafladda Oo Ku Beegnayd 15-Guurada Aasaaskiisii

0
701

Hargeysa (Geeska)- Xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhawayn ballaadhan u sameeyey taageerayaal uu hoggaaminayo siyaasiga caanka ah ee Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo ka soo digo-rogtay xisbiga WADDANI.

Xaflad bilicsan oo xisbiga KULMIYE ku qaabilay taageerayaashan cusub oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee xisbiga – Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi Dheere, masuuliyiin, siyaasiyiin iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan xisbiga, hoggaanka heer gobol, madaxda garabka haweenka, siyaasi Xasan Xaydh iyo boqolaal taageerayaashiisa ah, salaadiin, cuqaal iyo marti-sharag kale, ayaa lagu shaaciyey midowga rasmiga ah ee dhexmaray xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashan ka soo jeeda Gobolka Maroodi-jeex.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, ayaa hambalyeeyey go’aanka ay siyaasi Xasan Xaydh iyo taageerayaashiisu ku gaadheen inay taageeradooda la garab galaan xisbiga KULMIYE, waxaannu sheegay in cududooda, cilmigooda iyo caqligoodaba baahi loo qabo, taladoodana laga faa’iidaysan doono, isagoo tilmaamay in arrintani ka markhaati kacayso sida dadweynaha ku dhaqan Gobolka Maroodi-jeex isugu raaceen taageerada xisbiga KULMIYE.

Oday Muxumed Aw Xasan, Cabdiqaadir Sheekh Yuusuf Sh. Madar iyo Marwo Faadumo Yuusuf (Faadumo-nasteexo) oo ka mid ahaa hormoodka taageerayaasha siyaasi Xasan Xaydh oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa hadallo ay ka jeediyeen madasha si hufan uga sheekeeyey sababa ku kallifay inay go’aansadaan ku biiritaanka KULMIYE, iyagoo xusay in waxqabadka xukuumadda KULMIYE kaalin weyn ku leedahay soo digo-rogashadooda. Sidoo kale, madaxdhaqameed ay ka mid yihiin Suldaan Aadan Cawil, Suldaan Xuseen Ismaaciil iyo Chief Caaqil Xasan Xoorre, ayaa iyaguna ku bogaadiyey siyaasiga Xasan Xaydh iyo taageerayaashiisa go’aanka ay qaateen.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco), ayaa tilmaamay kartida iyo awoodda siyaasaddeed ee Xasan Xaydh ku leeyahay Somaliland gudaheeda, isagoo xusay inuu ku soo kordhin doono xawaaraha uu ku socda xisbiga KULMIYE.

Siyaasiga Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo ka mid ahaa xildhibaannadii ugu horreeyey ee loo doortay golaha deegaanka Hargeysa, dhawaana ka baxay xisbiga WADDANI, ayaa khudbad uu ka jeediyey xafladda kaga warramay asbaabta keentay inuu ku soo biro xisbiga, waxana uu caddeeyey in isaga iyo taageerayaashiisaba dulmi badani kaga dhacay WADDANI, waxaannu yidhi, “Anigu waxaan WADDANI uga soo baxay caddaalad-darro igu dhacday aniga oo taageerayaashaydii ku dhacday iyo dantii guud ee dalka oo aan WADDANI ka dhex arki waayey, dadka intii aannu is naqaanayna dhammaantood KULMIYE ayey ku jiraan, markii xisbiyagii UDUB baaba’ay ee xagga WADDANI tagay ee aan afgaranwaayey markaas sidaas saddexda xisbi u eegay waxaan is idhi markii horeba kaagii KULMIYE ayuu ahaa.”

Siyaasi Axmed Muumin Seed oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca goleyaasha Baarlamaanka Md. Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland Marwo Khadra Xaaji Geydh oo iyaguna hadallo ka jeediyey xafladdaasi, ayaa hadallo soo dhawayn iyo bogaadin u badan jeediyey taageerayaashan cusub ihyo hoggaamiyahooda, waxaanay isku raaceen in siyaasi Xasan Xaydh taariikh ballaadhan ku dhex leeyahay bulshada, isla markaana hawlkarnimadiisu qayb weyn ka qaadan doonto guul uu xisbiga KULMIYE mar labaad ka gaadho doorashada Madaxtooyada ee soo socota.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna dhankiisa soo dhaweeyey taageerayaasha cusub iyo hoggaankooda, waxaannu u ballanqaaday inay si furan hawlaha xisbiga qaybtooda uga qaadan doonaan oo aan laga xigsan doonin.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo goobtaasi khudbad dhinacyo badan taabanaysa  ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey taageerayaashan cusub iyo hormoodkooda, waxaannu si qoto dheer u sharraxay mabaadi’da xisbiga KULMIYE oo aasaaskiisii 15 sanno jirsaday, waxaannu yidhi, “Maanta (23/05/20170 KULMIYE waa 15-jir, waana qaan-gaadh hawlo badanna wuu soo maray, markii laa aasaasayeyna waxa isugu yimi aqoonyahan waayo-arag ah, haddii ay xag tacliimeed tahay iyo haddii ay xaq halgan tahayba, waxaana lagu aasaasay aqoon iyo fikir dheer, xeerkiisa markii la dejiyeyna waa qaar aad ka arki karto in loogu talogalay inuu boqolaal sanno sida xisbiyada ANC iyo kuwa Yurub oo kale uu sii jiro, manuu ahayn xisbi lagu dhisay qabyaalad, caaddifad iyo kursi aannu helno, aragtida KULMIYE maaha maanta kursiga aad heshid berri waxa ay noqotoba.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ururinta afkaarta bulshada reer Somaliland muhiimad weyn u leedahay KULMIYE, taasna uu ku guulaystay, “Qodobka koowaad ee xisbiga lagu aasaasay waa in la ururiyo fikradaha kala duwan ee dadka, in la ururiyo oo la isu keeno danaha kala duwan ee ummadda reer Somaliland, inaad qaranka Somaliland oo dhan dantooda, wax ay kaa qaadan karaan iyo wax ay iska dhex arki karaan meel isugu keentaa hawlyar maaha, laakiin KULMIYE wuxuu ku guulaystay inuu barnaamijkaas sameeyo, waxaana ka shaqeeyey rag aqoonyahan ah oo Siilaanyo iyo Fagadhe ka mid ahaayeen,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Murrashax Muuse Biixi waxa si cad u sheegay in xisbiga KULMIYE mar walba maanka ku hayo sidii uu u dabooli lahaa qabyooyinka jira ee dalka, isla amrkaana aanay ku weynayn rabitaanka kursigu, isaga oo caddeeyey inay ka go’an tahay aqbalaadda natiijada ay Komishanka Doorashada kadib soo saari doonaan, waxaannu uu yidhi, “KULMIYE marka uu shirayo maanta wuu is canaantaa, waayo KULMIYE ma eego wixii u qabtay ee waxa mar walba u muuqda baahida inoo taalla, caqabadaha ina horyaalla iyo hawsha ina sugaysa, kumana faano wixii uu qabtay, aragtida KULMIYE-na waa taas, KULMIYE waxa uu diyaar u yahay natiijada kasoo baxda Komishanka si xor ah oo xalaal ah in aannu u hoggaansanno, waayo annagu mucaaradna waanu soo marnay iyo kursi la kala helo iyo mid la heloba, kursi inuu qof yimaadana nooma joogto haddii aannu KULMIYE nahay ee inuu qarankani jiro, nabad ahaado oo marba ninkii helaa hoggaamiyo ayaa muhiim noo ah.”

“Haddii aynu KULMIYE nahay waxa inoo aragti iyo himilo ah oo aynu isla wada ognahay inaynaan ahayn kursi doon iyo shaqo-doone aynu ka fikirayno danta qaranku maxay ku hagaagaysaa, mustaqbalkana maxaynu ka doonaynaa ninkii doonaaba ha yimaadee,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.