Guddoomiyaha Hay’ada Tayada Oo Baaq U Diray Golaha Wakiilada

0
563

Picture3Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha haayada tayada qaranka Md. Cali Maxamed Cabdalla (Bikalo), ayaa golaha wakiilada ka codsaday in hawsha u horaysa ee ay qabtaan marka ay fasaxa ka soo noqdaan ay ka dhigaan xeerka aasaaska haayada tayada oo uu ku tilmaamay inuu awood buuxda oo hawlgal u siinayo in dalka ay ka qabtaan wixii cunto, dawooyin iyo qalab ah ee waxyeelaya.

Cali Maxamed Cabdalla (Bikalo) waxa uu sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay xafiiskiisa, waxaanu sida oo kale xusay in mishiinadii shaybaadhka ay wadaan sidii dalku u heli lahaa si rasmi ahaan loogu xakameeyo cuntooyinka iyo dawooyinka dalka soo galaaya. Waxaana isaga oo arimahaas guddomiyahu ka hadlaaya uu yidhi“Waxaan jecelahay in aan dadka ugu bushaareeyo hay’addu hore xeer umay lahayn, muddo dhawr bilood ah waxaannu wadnay sidii xeerka aasaaskeeda iyo ka ay ku eegi lahayd heerka tayo ee ay leeyihiin badeecadaha dalka laga isticmaalayaa ee ah wixii qaranku leeyahay waxaynu u baahanahay wax aanay heerkaa tayadiisu ka hoosayn. Markaa xeerkaasi oo aannu horkeennay Golaha Wasiirrada kadib muddo uu falanqaynayey wuu ansixiyey. Waxaannu imika u gudbinay  Golaha Baarlamanka, iyagana aan jecelahay inay si buuxda u ansixinayaan xeerkaas, maadaama uu muhiim u yahay jiritaanka iyo shaqada hay’adda,”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Md. Biikalo yidhi, shacabka ugu bushaareeyey in ay dalka keenayaan shaybaadh qaran oo lagu baadho badeecadaha kala duwan ee ganacsiga waddanka la soo geliyo, waxaannu yidhi, “Waxa kaloo iyaduna muhiimaddayada ahayd sidii dalka looga samayn lahaa shaybaadh qaran oo lagu baadho waxyaabaha la isticmaalayo, waayo iminka shaqaalahayagu waxay ku shaqeeyaan in la eego waqtiga isticmaalka shayga iyo ta labaad oo ah in la garanayo meesha amma dalka uu ka soo baxay shaygu, laakiin in la baadho heerka tayada ama faa’iidada iyo khasaaraha waxyaabaha soo degayaa dalka u leeyihiin waxa lagu ogaan karaan shaybaadh qaran oo muhiimad wayn inoo leh. Ilaahay mahaddii, waxaannu dalab shaybaadh u gudbinay sanduuqaha horumarinta Somaliland (sanduuqa lagu shubo kaalmooyinka qaar ka mid ah dalalka Yurub siiyaan dalka) oo ay maamulaan guddi qaran oo wasiiro ah, kuwaas oo oggolaaday in sanduuqaasi laga bixiyo shaybaadhka qaranka oo u dhammaystiran noocyadii lagu baadhayey cuntada, caanaha, hilibka, shidaalka iyo waxyaabaha duruuriyaadka ah ee la isticmaalo, waana la ballanqaaday oo maanta (shalay) ayaannu kulmaynaa guddiga gacanta ku haya sanduuqa. Arrintaas oo ah yididiilo iyo wax aad loogu farxo in shaybaadh qaran aynnu helno, anigoo ku rajo weyn inuu hirgalo sannadkan 2014-ka inta lagu jiro.”