Guddoomiyaha Guurtida Oo Ku Taliyey In Laga Warsugo Ballan Qaadkii Weftiga Itoobiya Ee Dhacdadii Jaamac Dubbad

0
498

Hargeysa (Geeska)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay Weftigii Itoobiyaanka ah ee dalka yimid iyo dagaalkii ka dhacay deegaanka Gaashamo ee lagu laayey dadka maatida ah, waxaanu sheegay in dhibtaas ka dhacday Deegaanka Gaashamo ay cid walba sameeysay, waxaanu ku taliyey in nabada la ilaaliyo lagana war sugo balanqaadkii Weftiga Itoobiya.

Saleebaan-Maxamud

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Dharkeen-geenyo iyada oo Maanta Xubno ka tirsan Golaha Guurtidu ku baxayso halkaas si ay uga qayb qaataan waan-waanta laga dhex wado labadan beelood ee dagaalku dhexmaray, waxaanu ugu baaqay inay nabad qaatan, waxa kale oo uu ka hadlay khasaarihii roobkii doraad galab da'ay uu geysay isagoo tacsi u diray dadkii ku geeriyooday, waxaanu yidhi isagoo arimahan ka hadlaya "Dhibta ka dhacday Gaashamo, waxay ahayd dhib aad u xun, oo isku si inoo taabatay, balse Suldaanka guud ee Beesha dhibaatadani si gaar ah u taabatay uu ka hadlay, markaas middaa aniga meesha iiga banaani waxa weeye aynu ilaalino nabada, aynu ilaalino xasiloonida oo aynu muujinno dulqaad, aad iyo aadna waan uga xumahay dhibka halkaas ka dhacay iyo dadka halkaas ku geeriyooday, Wefti ka socda Dawladda Fadaralka Itoobiyana waa kuwii dalka yimid waxayna balanqaadeen in dhibkan dhacay ay ka daba tagi doonaan oo ay wax ka qaban doonaan markaas iyagana aynu ka warsugno, waxaana ILLAAHAY uga baryayaa in dadkii halkaas ku geeriyooday inuu jannadii ka waraabiyo, inooma oo noqonayaan ee samir iyo imaana ha inaga siiyo"

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mar uu ka hadlaayey dagaalkii ka dhacay Dharkeen-geenyo iyo Xubno ka socota Guurtida oo tagaya ayaa yidhi "Aad iyo aad ayaan uga xumahay dagaalka dhexmaray labadaas Beelood, aynu buun-buunino oo aynu weynayno labadan beelood waxay isku yihiin balse yeynaan buun-buunina waxay is gaadhsiiyeen, bari (maanta), ayaa ay Guurtidu ku baxaysa, Guurtida waan u ducaynayaa, waxaana ugu ducaynayaa in labadan beelood oo ilaa hadda kala fadhiya, oo aan nabadi ka dhex dhalan inay nabad ku soo dabaalan, oo ay heshiisiyaan, kana qayb qaatan waan-waantaas laga dhex wado,dadkii ku geeriyoodayna samir iyo imaan ILLAAHAY ha inaga siiyo, jannadiina ha ka waraabiyo, waxaana leeyahay qorigu waxba ma taree qoriga dhiga oo nabada qaata".

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mar uu ka hadlaayey khasaarihii uu sababay Roobkii doraad galab ka da'ay Caasimadda ayaa yidhi "Inagu ma nihin Shiine, waxaynu nahay dad aad u yar, oo cida inaga dhimata weynu tabaynaa, ILLAAHAY baa qadaray in roobkan dad inagaga dhintaan, Guriyana ku dumaan, khasaarena ka dhasho, markaas ILLAAHAY khayr ha inoogu bedelo, oo nimco waliba nusqaan leh ee ALLE sida khayrka leh ha ina waafajiyo, tacsina waan u dirayaa dadkaas ku geeriyooday, dadka ku dhaawacmayna caafimaad baan u rajaynayaa, haddii aanu nahay Golihii Guurtidana khasaaruhu roobku geystay waanu u kuurgalaynaa oo Guddida Joogta ah ayaanu u diraynaa oo waanu ka wada qayb qaadayna, sida ay wax u dhaceena waanu eegaynaa".