Guddoomiyaha Guurtida Oo Ku Taliyay In November Doorasho Loo Wada Diyaar Garoobo

0
562

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay warar soo baxaya oo sheegaay in qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtidu ay doonayaan in muddo kordhin saddexaad ay u wadaan Madaxweynaha, waxaanu sheegay in wararkaasi yihiin qaar waxba kama jiraan ah, waxaanu ku taliyey in la isku sii diyaariyo Doorashada, si ay wakhtigeedii u qabsoonto.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, oo shalay Xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta ayaa sidoo kale ka digay Qabyaalada, baaq nabadeedna u diray labada Beelood ee dagaalku dhexmaray, dhibaatada abaarta iyo sicir bararkana ka hadlay,waxaanu ugu horeyn yidhi “Aad baanu u jilicsan nahay,abaar dalka oo dhan camirtay, maanta ka hor maanaan arag, wuxuun baa hadhi jiray oo ay reebi jirtay ee Illaahayow naga jabi, Illaahayow na qabooji, qolooyinkan is dilaya wax kale oo aan odhan karnaa ma jirtee, Illaahay ha soo hadeeyo, anagu ducaynay, oo ducaynay, ee aynu wada ducayno, iyagana waxaan leeyahay waar colka ha la joojiyo, ninkii dhintaaba labadiina qoloba wuu ka dhintay, Qarankana wuu ka dhintay, colaada ha la joojiyo ha la nabdo, colaad iyo abaari wax is galaba maaha, barigii hore markay barwaaqada ayeynu kibri jirnay, weynu isku durdurin jirnay, waa maxay tan colaadii iyo abaartii isla eegatay, waar ha la joojiyo”.

Guddoomiyaha Guurtidu mar uu ka hadlaayey sicir bararka ayaa yidhi “Sicir bararka, waa kuwan xoolihii istaagay, xoolaha yar iyo waxa dibada la inooga soo diro, malaaba waxa hadda badan waxa dadkeenu inoogu deeqo, ALLE ha dhawro, abaartana Illaahay ha inaga jabiyo, Sicir bararku doolarka wey, doolarkuna dibada iyo xoolaha yar buu ahaa, haddii ay abaartu jabto, doolarkuna wuu kordhayaa, marka waxay ila tahay aynu gurmanoo, qofba qofku ka jilicsan yahay, reerba reerku ka jilicsan yahay, ha caawiyo, bahashan qabyaalada  ahna ha la iska daayo, bahashii afkay ku badatay, wax ka xishoonayaa ma jiraan, niman jahliyad ah oo aan ku soo maray Dubia iyo Abu Dubia, iyaba gacmaha is qabsadee, iyagoo hadh qaboow jooga, ee inagoo abaartii ina hayso, aynu is qabsano gacmaha, qabyaaladana iska daaya, carabkan aad ku adkaynaysaan ku daaya”.

Guddoomiyaha Guurtidu mar uu ka hadlaayey Guddida Abaaraha heer Qaran ayaa yidhi“Inaguba la xisaabtami mayno, nimankii inoogu gacanta adkaa, ee dambiga iska dhawri jiray, baa ugu badan, mashaa’ikhdii baana ugu badan, aar hiifka ka daayo, wixii gaabiyi wax ku leexan maayaan, wixii gaabis ahna aynu ku nidhaahno kordhiya socodka, iyo dhaq-dhaqaaqa, anigu nimaankaasi niman waxku weecanayaan, ilama eeka, Madaxweyne ku xigeenkuna soo Guddoomiye uma ahayn, Wasiiraddii Maaliyadda iyo Arrimaha Guddaha ayaa ku jira, waxay ila tahay ceelna uma qodna, cidina uma maqna, ee waxay ila tahay intii meeshaas la geyn lahaa, wey joogaan, abaartu u dhaq-dhaaq ayey leedahay, ee ka fadhiiso ma leh”.

Mar wax laga weydiiyey waxa ka jira in muddo kordhin saddexaad ay u wadaan Madaxweynaha ayaa ku jawaabay“Madaxweyne Siillaanyana kamaan maqlaynin, aniguna ku hadaaqi maayo, Xildhibaanada badankoodu nin waliba kursiga waa jecel yahay, laakiin haddii aynu nidhaahno waa la qabanaya ma diidayaan, aynu diyaar-garawno, inaguna aynu ku juu-juubno, idinkuna canaanta ha yareeysanina”.